Sign in to follow this  
Deeq A.

“Waan ku khasbanahay in aan aqbalo xil ka qaadista uu Kheyre igu sameeyey”

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo ay dowlada Somalia todobaadkii tagay isku shaandheyn ku sameysay Xukuumada ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay Xildhibaan Cabdicasiis Saalax Armaan oo ahaa wasiir ku xigeenkii Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha DF.

Armaan oo wareysi gaara siinaayay Idaacada Shabelle ee magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in shaqsi ahaantiisa uu aad usoo dhaweynaayo xil ka qaadista uu ra’iisul wasaare Kheyre ku sameeyay.

Xildhibaan Armaan waxa uu sheegay in xil ka qaadista lagu sameeyay ay qeyb weyn ka tahay isbedelada ka socda dalka waxa uuna tilmaamay inuu ku qanacsan yahay isbedelka dhacay.

“Xilka waa meerto cidna si gaara uma laha waana soo dhaweynayaa isbedelka lagu sameeyay Golaha waayo waxaa laga mideysan yahay in wax la saxo”

“Waan soo dhaweynayaa waana ku qanacsanahay inaan waayo xilkii la ii igmaday muddo hore”

Armaan waxa uu tilmaamay in wada shaqeyn wanaagsan ay soo dhexmartay isaga iyo golaha mudadii uu joogay xafiiska Golaha Wasiirada oo uu u gu horreeyo Ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Sidoo kale, waxa uu tilmaamay in ahmiyada koowaad ay tahay in loo adeego shacabka waxa uuna cadeeyay in howlihii uu qaban lahaa ay shacabka u qaban doonaan kuwa isaga ka danbeeya.

Haddalka Armaan ayaa muujinaaya inay muhiim tahay in qof walba uu ku qanco magacaabida iyo xil ka qaadista lagu sameyn karo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this