Sign in to follow this  
Deeq A.

ONLF oo xabbad joojin iskeed ah ku dhawaaqday

Recommended Posts

Deeq A.   

Jabhadda ONLF ayaa maanta magaalada Nairobi kaga dhawaaqday xabbad-joojin hal dhinac, ka dib muddo tobanaan sano ah oo ay dagaal adag kala hor jeedday dowladda Itoobiya,sida ay daabacday laanta Afka soomaaliga ee BBC.

Qoraal ka soo baxay ONLF oo BBC-du soo xigatay ayey ku sheegeen in xabbad joojinta oo dhaqan galaysa 12ka duhurnimo ee ku beegan 12ka Agoosto ay salka ku hayso “baaqa nabadeed ee hogaamiyaha Itoobiya Abiy Axmed, iyo talaabooyinka ay xukuumaddu qaadday ee as’aaska ugu dhigaya wadahadallo nabadeed”.

“Waxaan u aragnaa in xabbad joojintu ay dadkeenna maslaxad u tahay”, sidaa waxaa yiri C/qaadir Xasan Hirmooge (Caddaani), afhayeenka ONLF, oo BBC u warramayey isagoo jooga Nairobi.

Waxaan diyaar u nahay in maadaama dadkayagu ay muddo dheer dulmi tirsanayaan, in miis dushii lagu xalliyo dhibaatooyinka aan tirsanayno oo aaya ka talin ka mid tahay oo nabad gelyo ka mid tahay, oo xuquuqo badan oo kale ka mid yihiin” ayuu sii raaciyey Caddaani.

Wuxuu sheegay in arrinta xabbad joojinta halka dhinac ah ay isla soo qaadeen dawladda Itoobiya.

Itoobiya weli wax jawaab ah kama aysan bixinin baaqaas.

 

PUNTLAND POST

The post ONLF oo xabbad joojin iskeed ah ku dhawaaqday appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this