Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada AMISOM oo la siiyey amar culus oo ka dhan ah Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar (Caasimadda Online) – Ciidamada AMISOM ayaa la siiyey amar culus oo ka dhan ah Xarakada Al-Shabaab oo maalmihii dambe xoojisay weerarada iyo dilalka ay ka fuliyaan gudaha Soomaaliya.

Jeneraal Jim Owoysigire oo ah Taliyaha ugu sareeya howgalka Midawga Afrika ee Soomaaliya ee AMISOM ayaa ciidamada amar deg deg ah ku siiyey inay qaadaan weeraro aan kala joogsi laheyn oo dalka looga saarayo Xarakada Al-Shabaab.

Generaalka ayaa qabo in sababta ay u istaageen howgalada ka dhanka ah Al-Shabaab ay tahay inaysan mideysneyn ciidamada AMISOM iyo kuwa Soomaalida isla markaasna ay tahay in loo midoobo weerarada la qaadayo.

Wuxuu tilmaamay in si deg deg ah loo wiiqi karo awoodda Al-Shabaab haddii ay is kaashadaan ciidamada AMISOM iyo kuwa Soomaaliya.

Taliyaha ayaa waxaa uu ka hadlayay saldhigooda ay ku leeyihiin magaalada Jowhar, waxa uuna halkaa kaga dhawaaqay howgal deg deg ah oo Al-Shabaab ka dhan ah .

Howlgalka AMISOM ayaan wax weerar ah ku qaadin Saldhigyada Al-Shabaab tan iyo markii Farmaajo loo doortay inuu noqdo Madaxweynaha Soomaaliya.

AMISOM ayaa taas badalkeeda kasoo baxday goobo ay horey ugu sugnaayeen taasoo keentay inay is ballaariyaan Al-Shabab oo hadda ku sugan goobo cusub oo markii hore laga saaray.

Ciidamada AMISOM ayaa la siiyaa mushaar aad u badan, waxayna heshiis ku yihiin dowladaha ciidamada usoo diray Soomaaliya inaan si dhab ah loo wajihin dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab maadaama haddii taas la helo ay imaaneyso in AMISOM dalka laga saaro.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this