Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland oo ka baxday heshiiskii Haamaha shidaalka Berbera

Recommended Posts

Deeq A.   
2.jpg?resize=600%2C400Haamaha shidaalka Berbera

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta wareegto Madaxweyne ku shaaciyey in xukuumadiisu la wareegtay Haamaha shidaalka Berbera, amniga iyo baarkinka garoonka diyaaradaha Hargeysa ee Cigaal.

Wareegtada ka soo baxday Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa nuxurkeeda waxaa lagu go’aamiyay 5 qodob oo kala ah.

1- In la buriyay heshiisyadii lagu wareejiyay adeegyada Haamaha Shidaalka (BOG), adeegga amniga Madaarada (SRM), iyo adeega baarkinka Madaarka Cigaal (EPASS).

2-  In xukuumaddu ay gabi ahaanba ula soo noqotay si sharciga waafaqsan maamulkii, gacan-ku-hayntii, adeegii iyo qalabkii Haamaha shidaalka ee Berbera, amniga Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal, iyo Adeegga Baarkinka Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal ee ay hayeen shirkadaha kala ah BOG, SRM iyo EPASS.

3-  In Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska, Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda, Hanti-dhawraha Guud, Xisaabiyaha Guud iyo Hay’adda Duulista Hawadu ay keenaan qiimaynta dhabta ah ee dhaqaalaha ay Shirkadaha BOG, SRM iyo EPASS ku maalgaliyeen Haamaha Shidaalka Berbera, amniga Madaarkada Caalamiga ah ee Cigaal iyo baarkinka Madaarka, soona xaqiijiyaan dhaqaalaha ay ka heleen.

4- In Wasaaradaha iyo Hay’adaha ay khusaysaa ka gutaan waajibkooda sharci ee fulinta qodobbadan kor ku xusan.

5- In shaqaalihii ka hawl-galayey adeegyadani ay shaqadooda u sii wadanayaan si caadi ah.

Somaliland ayaa sanadkii  2015-kii ku wereejisay maamulka Haamaha shidaal Berbera shirkado ganacsi oo aan tartan furan u soo marin, kuwaas oo la magacbaxay  Berbera Oil Group (BOG), waxaana muddo ka jiray muran lagu diidan yahay.

Shirkadaha ku jiray heshiiska Haamaha shidaalka Berbera waxaa kamid ahayd sida aan xog ku heyno shirkadda Som Oil, wuxuuna heshiiskaasi ahaa muddo 30 sano ah.

PUNTLAND POST

The post Somaliland oo ka baxday heshiiskii Haamaha shidaalka Berbera appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this