Sign in to follow this  
Deeq A.

Saraakiil ciidan oo ka goosatay Somaliland iyo Puntland oo saldhig siisay

Recommended Posts

Deeq A.   
1..jpg?resize=600%2C327Midig Korneyl Caare, bidix Koreyl Baaxad

Korneyl Jamaal Baaxad oo ahaa Ammaan-duulihii saldhiga saddexaad ee ciidamada Milateriga Somaliland ee Gobolka Sanaag ayaa shalay galinkii dambe ka goostay Somaliland.

Korneyl Jamaal Baaxad oo watey tiro ciidamo iyo gaadiid gadaal ah ayaa ku biiray Korneyl Saciid Cawil (Caare) oo bilowgii sanadkan Somaliland kala goostay ciidamo ay isku heyb yihiin, hadana saldhig ciidan ka sameystay meel u dhow magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar ee Puntland.

Saraakiishan oo heyb beeleed wadaaga ayaa ka goosashadooda Somaliland ka dambeysay cabasho ka dhalatay collaadii degmada Ceel-afweyn ku dhexmertay labo beelood oo deegaankaas wada dega, kadib markii maamulka Somaliland lagu eedeeyay in uusan dhexdhexaad ka ahayn collaadaas.

Korneyl Caare oo dhawaan ka hadlay goosashadiisa

Korneyl Caare oo horay u ahaa Ammaan-duulihii  saldhiga saddexaad ee ciidamada Milateriga Somaliland  ee Gobolka Sanaag ee ka horeeyay Korneyl Baaxadkii shalay goostay ayaa dhawaan markii ugu horaysay cadeeyey inuu cilaaqaad la sameeyey Puntland uuna saldhig ciidan weydiistay.

Korneyl Caare ayaa sheegay in uu urursanayo ciidamo uu sheegay inuu kula dagaalami doono cadaalad daro ka jirta Somaliland, maamulka talada haya ee Somaailand ayuu ku eedeyey mid kala ka xeeyey Somaliland, wuxuuna guud ahaan dadka gobolada maamulkaas ugu baaqay inay ka gadoodaan wuxuu ugu yeeray cadaalada darada ka jirta Somaliland.

Korneylka ayaa ku eedeeyey maamulka Madaxweyne Muuse Biixi inay masuul ka ahayd collaadihii ka dhacay deegaanka Ceel-afweyn ee u dhexeeyey labada beelood deegaankaas wada dega, wuxuuna sheegay in maamulka ka jira Somaliland uu isku hubeeyey beelahaas si ay isku laayaan, hadana uusan door weyn ku lahayn heshiiskii nabadeed ee la dhexdhigay labada beelood.

Sidoo kale Korneyl Saciid Caare wuxuu tilmaamay inuu hadda ku sugan yahay magaalada Qardho ee Puntland uuna halkaas u joogo arrimo ciidan.

Collaada Puntland iyo Somaliland oo maraysa meeshii ugu xumayd? 

Puntland iyo Somaliland oo ah labo maamul oo Soomaaliyeed oo derisa ayaa ku muransan gacan ku haynta gobaladda Sool, Sanaag iyo qayb kamida Togdheer (Buhoodle) tan iyo 1998 oo ahayd xiligii la unkay  Puntland.

Mid weliba wuxuu aaminsan yahay in gobaladaasi yihiin qayb kamida dhulka uu ka arimiyo, wuxuuna khilaafkoodu soo maray mar xalado kala duwan oo ah collaad iyo deganaansho, balse collaadii ugu xumayd ayaa tan iyo bilowgii sanadkan ka alloosnayd gobalka Sool, iyadoo labada dhinac ku dagaalameen deegaanka Tukaraq ayna isaga dileen in ka badan boqol askari oo labada dhanba ah.

Puntland waxay tobankii sano ee ugu dambaysay ku eedaynaysay maamulka fadhigiisu yahay Hargeysa ee Somaliland inay gadaal ka taagan tahay kooxda Al- shabaab ee ka dagaalanta buuraleyda Galgala ee Puntland waxayna marar kala duwan ku cel-celisay inay hayso cadaymo buuxa oo muujinaya in kooxdaas saldhigooda rasmiga ee laga soo dagaal geliyo uu yahay deegaanada Somaliland, waxay sidoo kale sheegtay Puntland in kooxdan ay ka barbar dagaalamaan saraakiil ka tirsan ciidamada milateriga Somaliland.

Somaliland ayaa iyana dhawaan markii ugu horaysay ku eedeeyey Puntland inay hiil iyo hooba siinayso Korneyl ka goostay oo ciidamo hubaysan ku urursaday deegaano ka tirsan galbeed gobalka Sanaag.

Wasiirka gaashaandhiga Somaliland Ciise Axmed Xawaare ayaa sheegay in Korneyl Caare uu ka shidaal qaato magaalada Qardho uuna hub xoogan ku urursaday meel aan ka fogeyn Qardho uuna doonaayo inuu soo weeraro Somaliland.

Dhanka kale Ciise Axmed Xawaare Wasiirka gaashaandhiga Somaliland ayaa ku hanjabay inay talaabo adag ka qaadi doonaan Korneylkan oo uu ku tilmaamay inuu baxsad yahay, wuxuuna Puntland ku eedeeyey inay saldhig lagaga soo duulo Somaliland ay ka samaysay meel aan ka fogeyn magaalada Qardho.

Korneylka labaad ee shalay ka baxsaday Somaliland kuna biiray kii hore ayaa xaalada sii adkeynaya, waxaana maamulku Somaliland marakan ku furmay furin dagaal oo horleh, waxayna ka sii welwel sanyihiin in Saraakiil kale ay ka goostaan.

Marka la eego arimahan oo dhan waxay u eg tahay in labada dhinac Somaliland iyo Puntland ay marayaan xiliyadii ay Itoobiya iyo Soomaaliya isku hubaynaayeen jabhadaha hubaysan.

PUNTLAND POST

The post Saraakiil ciidan oo ka goosatay Somaliland iyo Puntland oo saldhig siisay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this