Sign in to follow this  
Deeq A.

CIA-da MAREYKANKA oo shaaca ka qaadday tirada Daacishta dalka Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Sirdoonka Maraykanka ee CIA-da ayaa sheegtay inay 150 maleeshiyo ka tirsan Kooxda Daacish ku sugan yihiin gudaha Somalia.

Warbixinta CIA-da waxaa lagu xusay in tirada ugu badan Kooxda Daacish ku sugan yihiin Buuraha Galgala ee duleedka magaalladda Bosaaso ee Gobalka Bari ee Puntland.

Tiro-koobkaasi ayaa waxa uu ka hooseeyaa tiro ay horey Taliska Ciiddanka Maraykanka ka jooga Qaaradda Afrika ee AFRICOM ku sheegeen in ay 220 Dagaalamayaal Daacish ku sugan yihiin gudaha Somalia, gaar ahaan Goballadda Puntland.

Amiirka Kooxda Daacish ee Puntland,  Sheekh C/qaadir Muumin waxa uu bishii October ee sannadkii 2015-kii ku dhawaaqay aasaaska faraca Kooxda Daacish ee Somalia kadib markii uu ka soo goostay Alshabaab.

Hoggaamiyaha Daacish-ta Somalia oo horay u heystay dhalashada Ingiriiska balse lagala laabtay ayaa 2016 waxa ay dowlada Mareykanka xayiraad dhanka dhaqaalaha ah kusoo rogtay C/qaadir Muumin oo ah Hoggaamiyaha Kooxda ee Somalia.

Dhowrkii asbuuc ee ugu danbeysay ayey Kooxdaani magaalada Muqdisho ka geysteen dilal, halka Qaraxyo dhowr ahna ay ka fuliyeen Gobolka Bari.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this