Liibaan Posted July 12, 2009 Haatuf News: Maryan Mursal Ma Dareen Cadholeh Bay Kaga Dhooftay Soomaliland “Waxaan ka cudur daaranayaa in dugsiga magacayga laga daayo oo loogu magacdaro halgamayaashii badnaa ee ay lahayd beesha gabooye”Hadraawi “Hadduu hore iigu sheegi lahaa inaan ogalayn magaca dugsiga loo bixiyey waanu ka bedeli lahayn laakiin markii doraad saxaafadu na waraysanaysay ayuu ii sheegay waxaanan ku idhi saxaafada ha u sheegin waxaynu bedeli magaca markaad dhismaha dhamaysaan waanu iga diiday”waraysi Maryan Mursal Hargeysa, July 8, 2009 (Haatuf)- Mashruuci dugsiga ay ugu dhisaysay fanaanada Maryan Mursal Xaafada Daami ee magaalada Hargeysa ayaa qarka u saaran inuu burburo oo joogsado ka dib markii fanaanada Maryan Shalay subaxdii si degdega oo lama filaan ah uga dhooftay madaarka Berbera iyadoo kasoo horumartay wakhtigii u qorshaysnaa inay dhoofto iyadoo raaci lahayd Booking ku lahayd diyaarada Daalo halka ay tigidho degdega ka goosatay diyaarada Xoriyo una sii raacday shalay magaalada Dubay iyada iyo labadii wiil ee ay dhashay, iyadoo sababta tagitaankeeda degdega ah loo sibir saarayo inay keentay hadal uu ku sheegay Abwaan Maxamed Warsame Hadraawi inuu ka cudur daaranayo in laga daayo dugsigii ay Maryan Mursal ka dhisaysay xaafada Daami ee ay ugu magac dartay isla markaana loogu magac daro dad isaga ka mudan oo ku fiican in loogu magac daro sida halgamayaashii badnaa ee ay lahayd beesha gebooye ee geriyooday isagoo abwaanku intaa ku daray in uu isagu wali nool yahay oo aanu dhiman sida darteed qof dhintay loogu magacdaro isaga laga daayo isagoo abwaanku arintaa kaga hadlay waraysi maalintii sabtidii ee toddobaadkan horaantiisii TV-ga Qaranku kula yeeshay magaalada Hargeysa isaga iyo Maryan Mursal. Hadaba waraysi uu khadka telefoonka wargeyska Haatuf kula yeeshay fanaanada intii aanay shalay ka dhoofin magaalada Berbera oo aanu wax kaga waydiinay sababta ay sida degdeg ah ugu dhooftay ee bedelay wakhtigeedii u qorshaysnaa inay Somaliland ka dhoofto iyo inay jirto waxyaabo ay ka cadhootay Waxaanu u dhacay waraysigii sidan: S:waa maxay sababta soo dedejiyey bixitaan kaaga? J:waxaan keenay hawlo faro badan oo London igaga dayacmay oo is dul fuulay wakhtigii badnaa ee aan halkan joogay sida dukaankii iyo hawlo kale oo ii yaala. S:maxaad ku sii sagootiyeysaa eed odhan lahayd dalkan Somaliland? J:walaahi si degdega ayaan u baxay oo hada waanigaa Berbera u baxaya, waxaanan aad ugu mahadnaqayaa xukuumada iyo shacabka Reer Somaliland sida qiimaha leh ee ay ii soo dhaweeyeen ee aanan waligay iloobi karayn. waxaana I qorshaysan inaan markan soo noqdo ummada reer Somaliland u dhigo show yo bilaash ah oo lacag la’aan ah markaan barnaamijyada iyo hawlahaa London ii yaala soo dhamaysto. S: hawshii iskuulka yaad kaga tagtay? J:hawshii iskuulka waxaan kaga tagay oo wadaysa guddi todoba ah ee Hadraawi sameeyey oo la wareegtay anigana hawshayadii inaan ku wareejiyo uun bay ku ekayd waanan ku wareejiyey aniguna qorsha uun baan keenaye dhamaystir guddidaa ayaa iska lahayn waanay wadaan. S: maalintii dhawayd waa kii Hadraawi sheegay in magaciisa laga bedelo oo magac kale loogu magac daro ma jiraa magac cusub oo aad u bixiseen? J: Maya wali magac looma bixin markaan soo noqdo ayaanan eegayaa magaca loo bixinayo. mashruuca ama iskuul ha noqdo ama warshad samaysa hargaha iyo saamaha iyo kabaha ha noqdee S:sideed u aragtaa magaca uu abwaan Hadraawi ka cudur daartay in maga kale dugsiga loo bixiyo? J:horta walaahi hadraawi magaca isaga iska leh oo u xora laakiin waxa haboonayd inuu intii hore ee hawsha ka jiray ka ahayd ii sheego inaanu raali ka ahayn laakiin waan yaabay doraad markii saxaafadu noo timid ee uu ii sheegay inuu saxaafada ka sheegayo markaas oo aan aniguna ka codsaday inaanu saxaafada ka sheegin oo aanu anagu hoos uga wada hadalno, haddii uu magaca bedelayo in marka dugsiga la furayo ee xadhiga laga jarayo uu magacu doonayo ku bedelo taasina waa iga diiday oo markaasuu saxaafadii horteedii afka furtay. Arrintaasina waxay igu noqotay mid wadnaha igaga dhuftay. Qofkuna isagaa magaciisa xor u ah sidaa darteed, Hadraawi waa walaalkay wuu I dhoofiyey abaal weyn ayaan u hayaa, wuxuu igaga yaallaa meel qaali ah waa nin Odaya oo aan islahaa waxa kaliya oo aad abaalkiisa ku guddi kartaa isaga oo nool inaan meel ugu magacdaro. Waxaan u gartay inaan ugu magacdaro xaafada dadka masaakiinta ah ee reer Daami aan uga dhisayo, sidaa daraadeed maadaama oo mashruuca iskuulku soo gebogabaysmayo waxaan ka fikirayaa inaan mashruuc cusub oo ah warshad Hargaha iyo saamaha oo samaysa kabaha oo dadka xaafadaasi ku nooli farsamadooda yaqaanaan. S:waxaa la sheegayaa inaad ka cadhootay magaca uu diiday Abwaanku iyo cadho kale oo dhanka Xukuumada ahi ay kuu raacday, taas maxaa ka jira? J:waxba kama jiraan arrimahaas, cid aan u cadhoodayna ma jirto Xukuumad iyo shacbiba si aanan waligay ilaaween ayey ii soo dhaweeyeen oo Hargeysa waa la isoo dhaweeyey oo Berbera waa la isoo dhaweeyey, Burcana si fiican ayaa la isoo dhaweeyey oo waligay noloshayda aanan ilaawi Karin. Barnaamijkana anaa la imid, Hadraawina anaa ugu magac daray, haddii uu diidayna markaan soo noqdo ayaan mashruucan magaca loo bixinayo iyo wixii laga dhigayo eegi doonaa. Dhinaca kale waxa baritoole isku imanaya 10:00 subaxnimo xubnihii guddida ee loo magacaabay dugsigan, taas oo sida la sheegay ka kooban toddobo xubnood oo uu Hadraawi u yahay guddoomiye lamana hubo inuu Hadraawi ka soo qaybgali doono iyo in kale maadaama oo uu ku maqan yahay magaalada Burco. Sida ay noo xaqiijiyeen xubno ka mid ah guddida in saddex cisho ka hor Acoun kii Dahabshiil ee dugsiga loo furay kaas oo loo magac bixiyey Hadraawi Iskuul oo ay saxeexa wada leeyihiin Guddoomiyaha guddida Hadraawi iyo xubin kale oo ka mid ah guddida dugsiga, isla markaana natiijada kulanka guddida dugsiga ee Bari ka dhici doona Hotel Crown ayaa ay ku xidhan tahay in uu mashruucaasi is taago iyo inuu sii shaqeeyo, mar haddii magaca Abwaanku diiday in dugsiga loogu magac daro ayaa la filan karaa inay burburiso mashruucii Fanaanada Maryan Mursal ay dugsiga ka dhisaysay xaafada Daami ee magaalada Hargeysa. Si kastaba ha ahaatee dadweynaha caasimada Hargeysa ayaa layaab iyo fajac ku noqotay sida filaan waaga ah ee ay Maryan Mursal uga baxday magaalada,iyadoo habeen dambe bandhig faneed ku qabanaysay Beerta xoriyada, maalinta ku xigtaynay Banaroma Holl ku qaban lahayd bandhig Faneed lacagta ka soo baxda lagu kaabi lahaa dugsigaa ay ka dhisaysay Xaafada Daami ee magaalada Hargeysa. Hadaba, waxa ummadda reer Somaliland ku waajib ah haday tahay guddidii hawsha loo xilsaaray, Xukuumadda iyo Xisbiyada iyo dhamaan bulshada reer Somaliland inay u gurmadaan si aanay mashruucaasi u istaagin, isla markaana looga midho dhalin lahaa hindisaha fanaanada Maryan Mursal ugu talo gashay inay ku horumariso aqoontoodana sare ugu qaado dadka danyarta ah ee la haybsooco ee ku dhaqan xaafada Daami ee magaalada Hargeysa. Quote Share this post Link to post Share on other sites