Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Muuse Biixi oo Gabi Ahaan Laga Daad Guraynayo Tukaraq & Inta Kaga Dhimatay oo La Shaaciyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Mid ka mida Askarta Somaliland ee ku sugan deegaanka Tukaraq ee dagaalka kula jira Ciidamada Puntland ayaa Boramanews uga waramay isbadal ku yimiday hawlihii milateriga ee Tukaraq Somaliland kawaday.

Askarigani oo xalay soo gaadhay Hargeysa isla markaana kasoo laabtay Tukaraq a warbaahinta uga waramay ciidamo iyo baabuurta Tiknikada oo deegaankaasi laga soo saaray.Askarigani ayaa sheegay in ciidanka Somaliland lagu amray inay kasoo gurtaan soona faaruqiyaan deegaanka Tukaraq Tikniko badana lagu soo celiyay saldhigii hore ee Gambadha oo isaga laf ahaantiisu ka midyahay askarta lasoo celiyay Hargeysana soo gaadhay.

Askarigani ayaa sheegay in ciidanka halkaasi ka joogay Somaliland badnayn marka loo eego kuwa Puntland oo lagu soo tuulay jabhado qabaa,ilka laga soo ururiyay waa sida uu hadalka u dhagaye balse Ciidanka Somaliland Tikniko farobadan ku hubaysnaayeen difaac adag oo dhufaysyo ka samaysana ay qoteen adkaydna weerarkasta oo lagu soo qaado lagu jabiyo,inkastoo dagaalkii ugu dambeeyay 153 askari oo saraakiil ku jirto looga dilay Somaliland waa sida askarigaasi sheegaye.

Askarigani ayaa Taliyaha ciidaamada Somaliland Nuux Taani ku eedeeyay nin qabyaaladu madaxmartay ciidamada dhulkana kusoo ururiyay beelaha aan jeegaanta ahayn,wuxuuna sheegay askarigani inuu go,aansaday inuu iskaga tago ciidamada oo uu shaqo uu raadsanayo Jabuuti askarinimo dambena nolol ka raadianaynin.

Askarigani oo diiday inaanu magaciisa iyo muuqaalkiisa baahino oo kasoo jeeda beelaha Awdal ayaa ka waramay cadaalad daro baahsan oo ka jirta ciidamada Somaliland oo taliyayaashu qabylaad qaawan ku dhaqmaan.

Warkani oo aan iskudaynay inaan wax ka waydiino masuuliyiinta Gaashaandhiga Somaliland ayaa noo suurto galin inaanu ka xaqiijino dib u gurashada ciidanka Somaliland inuu u yahay bilow Somaliland ku aqbashay dadaalkii beesha caalamka ee lagu xalinayay dagaalka ka dhex aloosan Puntland iyo Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this