Deeq A.

Puntland oo meel adag ka istaagtay wada-hadalka Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland,Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar(Camey) oo wareysi siinayey telefishinka RTN  ayaa meel adag ka istaagay wada-hadalka ay IGAD dhexdhexaadinayso ee la sheegay in lagu xallinayo colaadda Tukaraq.

Cabdixakiin Camey wuxuu sheegay in aan dagaalka Tukaraq istaagi doonin inta ciidamada Somaliland ay ku sugan yihiin taako kamid ah xuduudaha Puntland,isagoo caddeeyay in aysan waxba iska beddelin mowqifkoodii ku aaddanaa xoraynta degaannada ay Somaliland ka haysato Puntland.

“Dagaalkani isma taagayo, sidaan horeba u sheegay,maba qarsadaba dee anigu,Ibraahim inta taako dhulkaas ah lagu jiro dagaalkan ma istaagayo”ayuu yiri Camey isagoo raaciyay”Muuse iyadoo dhulkii laga qabsaday iyo dadkii oo ka dhintay iyo in uu guuro oo dhulkii banneeyo wax ka dhexeeya ma jiraan”.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa madaxweyne ku xigeenku sheegay in nabadda laga raadinayo colaadda Tukaraq ay tahay mid qoor-qabasho ah ee aysan ku imaan hannaankii loo baahnaa,sidaasi darteedna marnaba aan la aqbali karin.

Dabeecadeyada Puntland maaha marnaba in aan nabad diidno,laakiin waxan kuu sheegayaa nabadgelyo qoor-qabasho ah,dadkaan asalna uma laha,dhaqanna uma laha,weligeedna ma dhicin horena uma dhicin gadaalna uma dhici doonto”ayuu yiri Camey.

Dhinaca kale madaxweyne ku xigeenka ayaa ku jees-jeesay xubnaha Beesha caalamka ee dhexdhexaadinta ka wada colaadda Puntland iyo Somaliland,isagoo yiri”waxaan kuu hubaa wax badan oo la soo kordhiyay in aanay jirin. Hawshu waa soconaysaa,iyana habeen-dhaxooda ha iska qaateen”.

Hadalka Camey ayaa ku soo beegmay xilli ay soo baxeen warar sheegaya in Beesha caalamku ay dhexdhexaadinayso colaadda Puntland iyo Somaliland ee degaaanka Tukaraq,si aan mar kale dagaallo halkaasi uga dhicin.

PUNTLAND POST

The post Puntland oo meel adag ka istaagtay wada-hadalka Somaliland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Garoowe ama meel adag ha istaagan, ama meel jilicsan ama meel u dhaxaysa. Su'aalsha meesha taal, maxay ka badalaysa Tukaraq?

Garowe waxba yaanay kolka geed ku xoqan. Camay waxa laga sugayaa waa Dagaalkii Qarniga... :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.