Sign in to follow this  
Deeq A.

MUSHARAX CABDI FAARAX JUXA OO KU DHAWAAQAY INUU U TAAGAN YAHAY XILKA MADAXWEYNAHA PUNTLAND 2019.

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirkiih hore ee Wasaaradda arimaha dibada Soomaaliya Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa xalay ku dhawaaqay ololihiisa doorashada Puntland 2019,islamarkaana cadeeyey inuu yahay musharax u taagan xilka Madaxweynaha Puntland 2019.

Musharax Juxa oo ololihiisa ku shaaciyey xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ka dhacday Magaalada Garoowe ayaa waxaa kasoo qaybgalay marti sharaf ka socotay qaybaha kala duwan ee bulshada,ardaydii uu deeqaha waxbarasho u diray xiligii uu ahaa wasiirka waxbarashada Puntland iyo musharaxiin kale.

Musharax Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa sababta uu isku sharaxay ku saleeyey labo arimood oo kala ah aragti iyo fikir ku wajihi karo caqabadaha horyaala Puntland oo uu tilmaamay hadii u furadda helo uu wajihi karo iyo mid labaad oo ah inuu saldhig iyo hormuud u yahay dhaqdhaqaaqa jiil cusub kaas oo ay aragti dheer hogaaminayso.

Juxa hadii la doorto waxaa uu sheegay in wax weyn ka qaban doono amaanla,Kobcinta dhaqaalaha,Saldhiga Barnaamijka wadajir ah bulsho kaaso ah oo uu doonayo inuu horseed u noqdo Puntland oo heshiis ah oo isku calool fiyow iyadoo ay dhaqanku ugu horeeyaan,waxaa kale oo uu sheegay inuu xooga saari doono halitaanka adeega bulshada oo dhamaystiran sida Caafimaadka,Waxbarashda,Biyaha iyo wixii lamid ah.

Musharaxiintii kala qaybgalay xaflada oo ay kamid ahaayeen Cali Xaaji Warsame,Khaliif Ciise Mudan,iyo Jamiilo Siciid Muuse ayaa ku amaanay Juxa inuu yahay siyaasi aragti fog leh kuna amaanan inuu hogaamiyo Puntland.

Xafladda waxaa sidookale ka hadlay dadkii u soo joogay waxqabadkiisii uu ka gasytaya dhanka waxbarashada xiligii uu ahaan wasiirka waxbarashada Puntland iyo ardaydii uu deeqaha waxbarasho ugu diray dalka dibadiisa waxaana ay ku amaaneen inuu ahaa shaqsi ku sugnaa u cadaalad samaynta dadka Puntland islamarkaana mirihii uu soo saaray ay hada ka muuqdaan waxbarashada Puntland.

Juxa oo ah shaqsi inta badan aan ka bixin dalka shaqooyin tiro badana kasoo qabtay ayaa noqonaya Musharaxii ugu horeeyey Puntland gudeheeda uga dhawaaqay musharaxnimadiisa.

38756573_1908336445951445_54850513916825 38769193_1908336225951467_42115090248074 38781076_1908336479284775_52913602593973 38797777_1908336469284776_83426122675142 38802577_1908234215961668_51442478069191 38813778_1908336269284796_67323827714460 38851698_1908336599284763_29608929700201 38882915_1908336245951465_53651021463352 qaxooti.jpg?resize=640%2C346

PUNTLANDPOST.NET

The post MUSHARAX CABDI FAARAX JUXA OO KU DHAWAAQAY INUU U TAAGAN YAHAY XILKA MADAXWEYNAHA PUNTLAND 2019. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this