Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir jawaab ku haboon siiyey korneel AMISOM ka tirsan oo u gafay Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Crisaaq Cumar Maxamed oo mar soo noqday wasiirka Amniga xukuumadii hore ayaa si caro leh uga hadlay haddal uu Wargeyska Foreign policy siiyay Korneel ka tirsanaa ciidamada nabad ilaalinta AMISOM.
Xildhibaan C/risaaq Cumar oo u waramaayay Idaacada Mustaqbal ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in uu aad uga xun yahay haddalka kasoo yeeray Korneelka oo uu tilmaamay inay sharaf dhac ku tahay Qaranimada Somalia.
Waxa uu sheegay in hadalka kasoo yeeray Korneelka uu meesha ka saarayo rajadii laga qabay ciidamada AMISOM qeybtooda ka socda dalka Ugandha.
Waxa uu tilmaamay in Ugandha aysan ka fileynin inay u gafto Somalia isla markaana ku tilmaanto sida xayawaanka doofaarka oo kale.
Xildhibaan Crisaaq Cumar, oo xogta ku jirta warbixinta wargeyska Foreign Policy kusheegay mid wax badan ay ka jiraan ayaa haddana muujiyey sida uu uga xun yahay in hadal sidaas u qallafsan ay AMISOM u adeegsato warbaahinta.
“Wargeyska waxa uu qoray ayaa i dhibaaya waayo Somalia maaha in lagu sifeeeyo xeywaan kan ugu xun oo aan sharaf u aheyn dal”

Sidoo kale, warbixintan Foreign Policy oo ciwaan looga dhigay “Soomaaliya waa dal aan ciidan lahayn” ayaa waxa ku jiray in xubno katirsan dowladda Soomaaliya ay kulug leeyihiin xasilooni la’aanta dalka.

Waxa kale oo ku jiray xigashooyin kale oo ay Amanda Sperber, sheegtay in ay ka soo xigatay madax kamid ah dowladda Soomaaliya iyo dowlado farabadan oo Soomaaliya ku leh saldhigyo ciidan iyo saraakiil ammaan.

Si kastaba ha ahaatee, Waregeyska Foreign policy, oo ay warbixintan ku daabacday gabar u shaqeysa oo fadhigeedu yahay Muqdisho laguna magacaabo Amanda Sperber, ayaa si qallafsan u qaatay xigasho dad badan ka yaabisay, taas oo si toos ah ugu gefeysay shacabka iyo dowladnimada Soomaaliyeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this