Sign in to follow this  
Deeq A.

Shabab oo maxkamad soo taagtay askari ka tirsan DF iyo qaab yaab leh oo loogu soo celiyey gurigiisa

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dhacdo aad loola yaabay oo si weyn looga hadal haayo Waqooyiga magaalada Muqdisho ayaa qabsatay sarkaal ka tirsan ciidamada Taraafikada wadooyinka ee dowladda federaaalka, sarkaalkaasi oo ka howlgala isgoysyada magaalada Muqdisho.

Sarkaalkaan oo lagu naaneeso Oday Cabdulle ayaa xaaskiisa waxay ka dacweysay maxkamadda Al-Shabaab ee Tooro-toorow, iyadoo ka cabaneysay inuu dhigay biil la’aan, hase ahaatee AL-Shabaab ayaa tab cajiib ah u adeegsatay qabashada sarkaan xili uu howshiisa kala hagida gaadiidka ku guda jiray.

Labo nin oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa ku diyaarsanaa goobta uu ka howlgalayay, waxaana marka hore laga soo wacay taleefanka, loona sheegay waxa laga rabo, iyadoo lagu amray in uu soo raaco labada nin ee goobta ku diyaarsaneyd oo ku socday Mootada nooca dheereeya ee seddax qaadka ah, wuxuuna askariga taraafikada uu si degan u aqbalay hadalka taleefanka loogu sheegay.

Sarkaalka oo dharkiisa taraafikada labisan ayay ku kaxeysteen labada nin ee Al-Shabaab usoo direen, waxaana la geeyay maxkamadda deegaanka Toora-toorow ee gobolka Sh/hoose, halkaasi oo qaadigii maxkamadda la horgeeyay.

Markii loo sheegay sababta lagu soo dacweeyay iyo in xaaskiisa ka cabaneyso biil la’aan ayaa waxaa uu qaadigii u sheegay in ay been sheegeyso xaaskisa, bil walbana uu biilkeeda siiyo. Nasiib wanaag waxaa marqaati fur u noqday sarkaalka dacweysan fariimaha adeega EVC ee lacagta la iskugu tuuro oo taleefankiisa laga dhex helay bil walbo inuu u diri jiray 150 dollar. Sidaasina loogu waayay eedeymaha xaaskiisa usoo gudbisay.

Qaadigii Shabaab ayaa ku dhawaaqay in Oday Cabdulle oo ka tirsan ciidamada taraafikada uu wax danbi ah laheyn, isla markaana lagu celiyo goobtii uu ka howlgalayay ee laga soo qabtay, waxaana la keenay halkii laga qaaday isagoo labisan dareyska ciidamada taraafikada, iyadoo aan wax dhibaato ah la gaarsiin.

Qaadiga maxkamadda ayaa ciidamadii soo qaaday Oday Cabdulle u sheegay in uu yahay aabe caruurtiisa u shaqeysta, lana taaban karin, si nabadgelyo ahna loo geeyo meeshii laga soo kaxeeyay.

Arrintaan ayaa dad badan la-yaab ku noqotay, iyadoo la ogyahay in al-shabaab ay ugaarsadaan cid kasta oo dowladda ka tirsan ama raad ku leh.

Inta badan dadka shacabka ah ee ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa dacwooyin u aada maxkamaddaha Al-Shabaab, gaar ahaan tan Toora-toorow, una kala gar qaada dadka ka dacwooda iyo kuwa ay dacweeyaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this