Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-shabaab oo war lama filaan ah kasoo saartay ganacsade xalay lagu dilay Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   

Boosaaso (Caasimadda Online) – Kooxda Al-shabaab ee ka howlgasha degaanada Puntland ayaa iska fogeysay dil xalay ka dhacay magaalada Boosaaso oo lagu khaarijiyey Ganacsade caan ah oo lagu magacaabo Cabdullaahi Cali Cumar.

Ganacsatada oo ahaa Maareeye ku-xigeenkii Shirkadda Isgaarsiinta Golis ee degaanada Puntland ayaa dabley hubeysan xalay ku dileen agagaarka Masjidka Rowda ee magaalada Boosaaso, laakiin Al-shabaab-ta Gobolka Bari ayaa sheegtay inaysan wax lug ah ku laheyn dilka Ganacsadaha.

Warka kasoo baxay Xarakada Shabaabka ayaa lagu caddeeyay inaysan iyagu lahayn mas’uuliyadda dilka Ganacsade Cabdullaahi Cali Cumar, waxayna warbaahintooda u sheegeen in ciidamadoodu aysan geysan dilka lagula kacay ganacsadaha oo ay ku tilmaameen nin muslim ahaa.

Shacabka magaalada Boosaaso ayaa maanta hadal haya falka dilka ah ee lagula kacay Maareeye ku xigeenkii shirkadda isgaarsiinta Goolis.

Waa markii ugu horeysay muddooyinkan ee Al-shabaab ay beeniso inaysan shaqo ku lahayn dil ka dhacay magaalooyinka dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Boosaaso
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this