Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Soomaaliya oo telefoon u diray Amiirka Dalka Qatar (Maxay ka wadahadleen?)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa telefoon kula xiriiray Amiirka dalka Qatar Tamin Bin Hamad Al-thani, sida ay qortay wakaalada wararka ee dalka Qatar; iyagoo ka wadahadlay arrimo kala duwan.

Madxweyne Farmaajo iyo Amiir Tamiim ayaa ka wadahadlay xiriirka labada dal, xoojinta iskaashiga ka dhaxeeya iyo waxyaabaha kale ee muhiimka u ah labada dal ee Soomaaliya iyo Qatar sida gaarka ah u daneeyaan.

Xiriirka labada hoggaamiye ayaa yimid, iyadoo Dowladda Soomaaliya ay soo saartay bayaan ay ku taageereyso mowqifka dowladda Sacuudiga ay xiriiirka ugu jartay dalka Canada iyo xiisadda diblomaasiyadeed ee labadaasi dal ka dhex taagan.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this