Sign in to follow this  
Deeq A.

Meydadka Labo Nin Oromo ahaa oo laga helay Magaalada Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaaraya Magalada boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxa ay sheegayaan in Maanta Xaafado ka tirsan Magaaladaas laga helay meydadka labada Nin oo u dhashay qowmiyada Oromada.

Dad ku dhaqan boosaaso ayaa waxa ay sheegeen in meydadka dadkaas laga soo helay Meel u dhow Masjidul Faadumo ee laamiga bartaha isagoo qoortu jaban tahay, halka midka labaad laga helay Xafiis ay Maamulaan dadka wax tahriibiya.

Labada nin ayaa da’dooda waxaa lagu qiyaasay ilaa 20,sida ay sheegeen Saraakiisha Isbataalka Weyn ee Magalada Boosaaso oo la geeyey meydadka dadkaas u dhashay qowmiyada Oromada ee lagu dilay Magaaladaas.

Dilka dadkaas ayaa ku soo aadaya xilli War ka soo baxay Maamulka gobolka Bari Shacabka gobolkaas looga digay in ay dhibaateeyaan dadka ku dhex nool gaar ahaan kuwa u dhashay qowmiyada Oromada.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this