Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo Go,aan ka gaartey labo Urur oo magac isku qabsadey

Recommended Posts

Deeq A.   

Dikreeto kasoo baxday Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda Puntland ayaa lagu kala saarey labo urur oo wadaniya ka dib markey isku mid ka noqdeen magacyadda Ururadooda, waxayna arrintoodu gaartey heer inay soo dhexgalaan Hay,adda ku shaqada leh arrintan iyo Maxkamadda Darajada 1aad ee Gobolka Nugaal.

Xukun kasoo baxay Maxkamadda Darajada 1aad ee Gobolka Nugaal iyo Wasaaradda Qorsheynta Puntland ayaa rasmiya loogu go,aamiyay lahaanshaha magaca hadda ka dib inuu lahaan doono ururka Himillo Relief and Development Organization, Islamarkaana la baabiyo gabi ahaan-ba ururkii kale oo ku haystay magaca kaas oo la oran jirey Himilo Organization For Development.

Deegaanada Soomaalida waxaa kusoo badanaya Ururo samafal iyo Shirkaddo ganacsi oo aanu jirin wax farqi ah oo u dhaxeeya magacyadda ay isticmaalayaan, waxaana inta badan ka dhasha jahwareer iyo isqabqabsi.

Warbaahinta PUNTLAND POST ayaa baahisay 19 July ee sanadkaan warbixin ku saabsan cabasho ay ka gudbisay Shirkadda Ganacsiga ee Towfiiq General Trading urur si sharci daro ah u isticmaalaya magaca shirkaddu ay iska leedahay, Halkan riix si aad uga akhrisatid.

Akhriso qoraalka Wasaaradda Qorsheynta Puntland.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST

The post Puntland oo Go,aan ka gaartey labo Urur oo magac isku qabsadey appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this