Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Muran xoogan oo ka taagan qorshaha mideynta ciidamada NISA & Booliska DFS

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimda Online)-Wararka aan ka heleyno Saraakiil ka tirsan Hay’adaha amaanka dowlada Somalia ayaa sheegaya in muran uu ka taagan yahay qorshaha lagu mideynaayo ciidamada labisan ee NISA iyo kuwa Booliska Somalia.

Muranka ayaa la sheegayaa inuu yahay mid u dhexeeya Talisyada Nabadsugida iyo Booliska, waxaana lasoo sheegayaa in ciidamada NISA qaarkood ay diideen inay ku biiran Booliska.

Ciidamada la sheegay inay ku biirayaan Booliska ayaa ku andacoonaya inay ka tagayaan shaqada, halka qaarna ay aqbaleen ku biirida Booliska.

Waxaa lasoo warinayaa in Taliyaha NISA Xuseen uu diidan yahay in Saraakiisha Hogaamisa ciidamada loo wareejiyo Booliska, halka Taliyaha Booliska uu ku doodaayo in dhammaan lagu soo wareejinaayo ama dib loogu celinaayo NISA.

Warar madaxbanaan ayaa sheegaya in ciidamada NISA ee iminka ku biiray Booliska ay aad uga yaryihiin kuwii hore, taasi oo sababteeda lagu sheegay inaysan ka bixikarin tababar bilow ah oo la sheegay in la marinaayo.

Sidoo kale, muranka xoogiisa ayaa waxa uu yahay mid ka taagan miisaaniyada ciidamada leysku biirinaayo oo aan wali lagu heshiin, taasi oo la sheegay inay tahay caqabada ugu weyn marka laga soot ago hanaanka mideynta labada ciidan.

Sidoo kale, waxaa lasoo sheegayaa in amniga Gobolka Banaadir ay la wareegi doonaan dharcada NISA oo kaashanaaya kuwa Booliska, halka ciidamada ay noqonayaan kuwa fuliya howlgala lagu baacsanaayo Shabaabka iyo Kooxaha kale ee aadka uga soo horjeeda Nabadda.

Arrintaani ayaa kusoo beegmeysa xili dhawaan uu amarka mideynta bixiyay Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo oo ka jawaabayay cabasho kaga imaaday Xildhibaano ka tirsan Guddiga Difaaca Baarlamaanka.

Caasimda Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this