Sign in to follow this  
Deeq A.

Muxuu ahaa Sarkaalka la sheegay inuu kasoo goostay Al-Shabaab iskuna soo dhiibay DFS?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Sida ay baahisay Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa isa soo dhiibay Sarkaal ka tirsanaa maleeshiyad Al-Shabaab, kaasi oo magacaiisa lagu sheegay C/rxamaan Xuseen Wardheere oo magaciisa afgarashada ay Shabaab u yaqaaneen Bilaal.

Sarkaalkaani oo muddo badan ka tirsanaa Al-Shabaab, ayaa sheegay in kooxda uu ka baxay isla markaana sanadahaani danbe uu ahaa mid gacan ku ganbad ah.

C/rxamaan Xuseen Wardheere, oo ay u gacan haatiyeen shaqsiyaad ka tirsan dowlada oo ay walaalo yihiin ayaa sheegay in dhalinyarada ka tirsan Shabaab aysan qanaaco ku qabin.

“Waa been haddii ay Shabaab ku dhahaan kuwa naga tirsan ayaa nagu qanacsan, iyaguba wey la socdaan inaanu halkaa aalin wax diin ah”

Danbiilahaani ayaa sheegay inuu aad uga qoomameeyo falalkii guracanaa ee kooxda Alshabaab u geysteen shacabka Soomaaliyeed muddadii uu kamid ahaa.

Waxa uu tilmaamay inuu kasoo kala shaqeeyay qeybo kala duwan sida dilalka qorsheysan, Jugta culus, Miinooyinka iyo Macluumaad uruurinta.

Waxa uu sheegay inay kala fog tahay dowladnimada iyo duurjoognimada waxa uuna qiray in diinta Shabaab ay tahay mid aan xaalkeeda la tilmaami Karin.

Shabaab-614x330.png

C/rxamaan Xuseen Wardheere, waxa uu Dowladda Federaalka uga mahadceliyay sida ay u soo dhaweysay, taas bedelkeeda wuxuu dhalinyarada ka tirsan Shabaab ugu baaqay inay ku soo biiraan dowladda.

Waxa uu dhalinyarada Shabaabka ugu baaqay inay ka faa’ideystaan baaqii Madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) iyo barnaamijkii dadkaaga ka mid noqo ee Wasaaradda amniga.

Haddalka iyo isa soo dhiibida C/rxamaan Xuseen Wardheere ayaa kusoo beegmaaya xili dhalinyarada isku soo dhiibta Al-Shabaab ay ugu danbeyntii geystaan falal argagixiso oo ka dhan ah dowlada, sida weerarkii dhawaan kadhacay SYL iyo kuwo kale.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this