Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamo Itoobiyaan ah oo lagu laayey qarax ka dhacay wadada isku xirta Baydhabo iyo Bardaale

Recommended Posts

Deeq A.   

Bardaale (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Baay ayaa tilmaamaya in ciidamo fara badan oo Itoobiyaan ah lagu laayey weerar ka dhacay wadada isku xirta magaalooyinka Baydhabo iyo Bardaale ee Gobolka Baay .

Ilo wareedyo deegaanka ah ayaa Caasmadda Online u xaqiijiyey in barqanimadii maanta qarax xoogan oo noociisu ahaa miinooyinka dhulka lagu aaso lala eegtay Kolonyo ciidamo Itoobiyaan ah oo ka soo ambabaxay magaalada Baydhabo kuna sii wajahnaa degmada Bardaale oo labaduba ka wada tirsan gobolka Baay.

Saraakiil ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ayaa Idaacadda Andalus u sheegay in qarax lagu burburiyey gaari Uraal ah oo ka mid ahaa kolonyada kaas oo ay saarnaayeen tobanaan ciidamo ah.

Waxaa jira khasaare xoogan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray ciidamada Itoobiya inkastoo aanan ilaa hadda la ogeyn khasaaraha rasmiga.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ay jareen isgaarsiintii deegaanka, islamarkaana ay ilaa hadda joogaan halkii uu qaraxu ka dhacay.

Dagaalyahanada Al-Shabaab ee ka howlgala Baay iyo Bakool ayaa bilooyinkii la soo dhaafay ayaa weeraro gaadmo ah ka wadada isku xirta Baydhabo iyo Bardaale oo ah midda kaliya ee u furneed ciidamada Itoobiya, una soo mari jirtay sahayda kaga timaado dhanka Itoobiya.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this