Deeq A. Posted August 6, 2018 Diridhaba (Caasimadda Online) – Ugu yaraan sagaal qof oo u dhalatay dalka Jabuuti ayaa lagu soo warramayaa in lagu dilay isku dhacyadii qowmiyadaha ku salaysnaa ee shalay ka dhacay magaalada Diridhaba ee dalka Itoobiya, sida ay dad goob joogeyaal ah u sheegeen BBC. Iskudhacyadan cusub ee u dhaxeeya qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada ayaa la sheegayaa inay ka dhasheen qalalaasihii Sabtidii ka dhacay magaalada Jigjiga ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya. Dhanka kalana wararku waxa ay sheegayaan in dhibaatadu ay u talowday dhinaca dalka Jabuuti halkaasna lagu dhaawacay labo ruux oo Oromo ah, sida uu BBC-da u talaiyaha booliiska ee dalka Jabuuti Cabdullaahi Cabdi. Taliyuhu wuxuu sheegay in gacanta lagu dhigay dadkii weerarkaas qaaday. Caasimada Online Xafiiska Diridhaba Caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites