Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo war la yaab leh kasoo saartay qaraxii Xalay ka dhacay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayay ku sheegatay mas’uuliyadda qarax khasaara badan dhaliyay oo xalay ka dhacay bartamaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Khasaara dhimasho iyo dhaawac ah ayaa qarax lala beegsaday goob ay iskugu yimaadaan dad dhacab  ayaa xalay fiidkii ka dhacay wadada Makka Almukarrama ee gobolka Banaadir.

Warka kasoo baxay Al Shabaab ayay ku sheegtay in ay beegsatay isku imaatin ay ku sugnaayeen shaqaale iyo saraakiil katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya “Qaraxan oo ahaa mid aad u xooggan ayaa ka dhacay goob ay xilliyada habeenkii ku caweeyaan xubno ka tirsan shaqaalaha wasaarado kala duwan ee kooxda Dowladda Soomaaliya” ayaa lagu yiri war lagasii daayey idaacadda Andalus ee Afka Xarakada ku hadasha.

Al Shabaab waxay sheegtaya in xilligii qaraxu dhacayay ay goobta la beegsaday isugusoo aruureen xubno bartilmaameed u ahaa “Goobtan la beegsaday oo ku taalla wadada Makka Al Mukarama ayaa xilligii qaraxu uu ka dhacayay waxaa joogay xubno fara badan oo kamid ah kooxda Dowladda, kuwaas oo dhimasho iyo dhaawaxc uu kasoo gaaray qaraxaasi” ayaa markale lagu yiri warka Al Shabaab kasoo baxay.

Inta la xaqiijiyay tiro kor u dhaafaysa illaa 10 ayaa dhimasho iyo dhaawac uu kasoo gaaray qaraxaasi, inkastoo ay dhici karto in khasaaruhu intaas ka badanyahay waxayna dadkaas ahaayeen dhallinyaro maqaayada isaga shaahayey oo rayid ah.

“Sawirro goor dambe laga soo qaaday goobtan lagu caweeyo ee uu qaraxu ka dhacay ayaa muujinayay gaadiidka raaxada oo ay wateen shaqaalihii wasaaradaha Dowladda oo uu burbur xooggan ka muuqdo, iyo sidoo kale dhiig badan oo ka daatay Dowladda la beegsaday” sidaas waxaa baahisay Andalus.

Ururka Al-Shabaab ayaa inta badan beegsado dad shacab ah waxayna marka dambe sheegaan inay dileen dad ka tirsan dowladda waana arrin ay inta badan caan ku yihiin.

Qaraxaan ayaa imaanayo xilli Shalay Magaalada Muqdisho lagu dilay 2 maleeshiyo oo ka tirsan kooxdaan kadib markii rasaas lagu furay gaari ay saarnaayeen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this