Sign in to follow this  
Deeq A.

Faroole oo sheegay goorta Darood ku soo laaban doono Muqdisho!

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimadda Online) – Dhawaan Raisul Wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo hoggaaminaya wafdi ballaaran ayaa booqasho ku tagay M/Gobolleedka Puntland.

RW Xassan Cali Kheyre  si weyn ayaa loogu soo dhaweeyey Garoowe iyo magaalooyinkii kale ee uu booqday isaga oo kula kulmay madaxda M/Puntland iyo shacabkaba.

Raisul Wasaaraha dadkii soo dhaweeyey waxaa ka mid ahaa madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Maxamuud Faroole oo tusay qol uu ku tilmaamay ‘Qolkii Taariikhda”.

Faroole waxa uu RW Xassan iyo madaxdii kale ee la socotay mid mid u tusay sawirro taariikhi ah oo ay ku jireen hoggaamiyeyaashii saldanooyinkii hore ee gayigga Soomaalida ka talin jiray sida Boqor Cismaan , Suldaan Cali Yusuf Keynadiid, Suldaan Cali Shire iyo halgamaayaal aad loo jeclaa sida xubnihii SYL iyo Cumar Samatar.

Waxaa sawirrada oo ku dhaganaa gurigiisa sidoo kale ku jiray madaxweynihii ugu horreeyey Soomaaliya Aadan Cabdille Cismaan, boqorkii Abyssinia Najashe iyo halyeeyo kale.

Haddaba sawirka xiisaha dhaliyey waxa uu ahaa mid laga qaaday magaalada Xamar ama Muqdisho oo qadiimi ah.

Halkaa marka uu marayey ayaa waxa uu madaxweynihii hore ee Puntland sidoo kalena ah xubin ka mid ah Aqalka Sare ee  dowladda Federal-ka ah  ayaa waxa uu yiri-

Waagii dhaweed Xamar aan tagay, munashiibiyada la iga casumay, waxaan ku iri Xamar baan soo dhexmarayoo meel nool kuma arag, meesha hadda aad nagu casumeysaan waa meel cusub oo aad dhisteen laakiin Xamar bey ku taal, Xamarweyney ku taalaa, Xamar, Xamar, toddobaddii degmo ee Xamar koorkoodii waakaa, Xamarweyne iyo Shingaani meeshey iska galaan, soo hadda ka garanmeysaan wax, halkaas Barqash Area soo garan meysaan, Gurigii Barqash, wixuunuba soo garan meysaan.

Ayaantii waxan ku yiri adiga [Kheyre] hadda ku oran maayee, adigu dadkii dagaalka sokeeye galay ma ahide, raggii waa weynaa baa meesha fadh fadhiyaye aan qaar aqoonayo, Xamar oo saasaa idinka rabnaa haddii kale idinku soo noqon meyno. [Raiusl Wasaaraha waxa uu yiri waa run isaga oo qoslaya!]/

Hadaba waxaa su’aal mudan waxa uu ula jeedo Faroole hadalka ah ‘Xamar oo saasaa idinka rabnaa haddii kale idinku soo noqon meyno?”

Malaha dhihi karaa waxa uu hadalka u dhacayaa Anaga (Darood/Majeerteen) idinku soo noqon meyno!?

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this