Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Halkee saraakiisha DF geeyan hubka lagu qabto howlgallada MUQDISHO?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada amaanka dowlada Somalia ayaa magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia ka fuliya howlgalo lagu baacsanaayo maleeshiyaadka Al-Shabaab ee sida dhuumaleysiga ah uga howlgala gudaha magaalada.

Ciidamada ayaa la sheegayaa in mudada ay ku guda jiraan howlgalada inay gacanta ku dhigaan Hub noocyo badan leh kuwaa oo inta badan gacanta u gala Saraakiisha hogaamisa ciidamada.

Xogtu waxa ay sheegeysaa in Saraakiisha hogaamisa ciidamada ay howlgalka kula wareegan inta badan Hubka la qabto, waxaana jira warar hoose oo sheegaya inay ka iibiyaan Ganacsatada iibisa Hubka sharci darada ah, halka qaarna ay Hubkaasi ku keydsadaan hooygooda.

Saraakiisha qaar ee katirsan hay’adaha amaanka ayaa lasoo sheegayaa inay leeyihiin Hub, kuwaa oo u kala dhiibta Saraakiil kale, Wasiiro, Xildhibaano iyo Milkiilayaasha Hoteelada Muqdisho oo iyagu ku ilaalsada Hoteeladooda.

Suuqyada lagu iibiyo Hubka ayaa waxaa lagu arkayaa hubka noocyadooda waaweyn, waxaana xusid mudan in halkaasi ay si wada jira Hubka uga iibsadaan Saraakiisha iyo Ciidamada dowlada ee hubka kusoo qabsada howlgala iyo Al-Shabaab oo dhinac ah.

Sidoo kale, Saraakiisha qaar xiliyada laga eryo shaqada ayey isticmaalan Hubkooda kuwaa oo ku dooda in Hubka uusan aheyn mid dowladeed, waxa ayna isweydiintu tahay halkee ayuu ka keenay?

Si kastaba ha ahaatee, dowlada Somalia ayaan Hubka gaarka ay u leeyihiin Saraakiisha kula xisaabtamin halka ay ka keenaan, taasi oo horseedi karta amni darro iyo dalka oo dib ugu laabto Hub uruursi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this