Deeq A. Posted August 5, 2018 Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow kasoo baxay Xafiiska Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Somalia Daahir Maxamuud Geelle ayaa waxaa lagu sheegay in dowlada ay dishay raggii ka danbeeyay dilka Maxamed Maxmuud Sheekh Cali oo ka mid ahaa dhalinyarada firfircoon ee magaalada Muqdisho. Wasiirka Warfaafinta oo u muuqday mid jiheyn u sameynaayay dilka Rag watay gaari oo maanta lagu dilay agagaarka sarta Seybiyaano ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ragaasi ay ahaayen kuwo ka danbeeyay dilka Maxamed Maxmuud Sheekh. Wasiir Daahir Geealle waxa uu sheegay in toogashada ay fuliyeen ciidamada amniga isla markaana ragaasi ay ahaayen kuwo ku hubeysnaa hubka fudud xili ay wateen gaari raaxo. Toogashada raggan ayaa waxa ay ka dambeysay kadib markii iyaga iyo ciidanka ammaanka ay maanta is rasaaseyn ku dhexmartay agagaarka sarta Seybiyaano ee magaalada Muqdisho, ragga la toogtay ayaa waxa ay ahaayeen laba nin oo ka tirsan Al Shabaab balse wax luga kuma aysan laheyn dilka Maxamed Maxmuud Sheekh, sida ay qireen Hay’adaha amaanka. Marka laga soo tago toogashada labadani ruux waxa ay ahaayen rag habbeenkii hoyday magaalada Muqdisho balse ka imaaday daafaha magaalada. Wasiirka warfaafinta Soomaaliya ayaa dhanka kale tilmaamay in ciidanka ammaanka haatan gacanta ay ku haayaan Gaari ay wateen ragga la dilay iyo Hubkii ay dadka ku dilayeen. Dhanka kale Wasiirka Warfaafinta ayaa wuxuu ka hadlay dilkii xalay koox hubeysan ay ugu geysteen askari ka tirsanaa ciidanka dowladda Masaajid ku yaala degmada Xamar Jajab, wuxuuna ku tilmaamay in falkaasi uu muujininayo mid aan ku wanaagsaneyn dhaqanka suuban ee Diinta Islaamka, islamarkaana uu yahay mid dadka looga cabsi galinayo inay Masjidka tagaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites