Sign in to follow this  
Jacaylbaro

War degdega: Laba Caruura oo Madaxa iyo Feedhaha Iskaga Yaal

Recommended Posts

War degdega: Laba Caruura oo Madaxa iyo Feedhaha iskaga Yaal oo ku Dhashay Cusbitaalka Manhal ee magaalada Hargeisa

 

 

i948536_ilmo.jpg

 

 

hadhwanaag 2007-07-24 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):-Cusbitaalka Manhal Specialty Hospital oo ku yaalla magaalada Hargeisa ayaa waxaa ku dhashay laba ilmo oo isku yaallaa, labadan ilme ama caruur ah waxay iskaga yaalliin feedhaha iyo madaxa iyaga oo ka kala qaybsan addimada iyo gacmaha.Waxaan ku booqday

 

Qolka dhalmada ee cusbitaalka Manhal ilmahan mucjisada ah oo yaalla iyaga oo ahaa meyd, waxa aan goobtaa kula Kulmay dhakhtarada Dr. Caasha Cumar Axmed oo ah dhakhtarad ku takhasustay cudurada haweenka oo ka hawlgasha cusbitaalkan si aan warbixin dheeraada uga helo “Haweenayda dhashay ilmahan mucjisada ah waxay cusbitaalka noogu timi saaka 10:00 subaxnimo, waxaan markiiba saaray computerka (Ultrasound)-ka, waxay ii sheegtay inuu ilmahani yahay 7 bilood, waxaan ogaaday ka dib markii aan baadhis ku sameeyey in ilmahani aanu ahayn caadi, isla markiibana waxaan dhigay sariir” sidaa waxaa noo sheegtay Dr. Caasha Cumar oo maamulaha shabakadda Manhalhospital.org kula kulmay cusbitaalka Manhal,

 

Waxaanay intaa ku sii dartay “waxay dabadeed u umushay si caadiya, ka dib markii la geeyey qolka gargaarka degdegga ah ee cusbitaalka qaybtiisa daryeelka hooyada iyo dhallaanka, waxaa dabadeed ay umushay ilme aan caadi ahayn oo ah ka aad sawirka ku aragtid, ilmahani miisaankiisu waa 2 kiiloo iyo badh, ilmahan oo madaxa iyo meelaha kale ee muhiimka ah iskaga yaalla waa meyd, waana markii iigu horraysay ee aan la kulmo arrin noocan oo kale ah”

 

sidaasi waxaa hadalka ku soo gebogebaysay Dr. Caasha oo u warramaysay maamulaha Shabakadda Manhalhospital.org. sidoo kale Layla Cali Deeq oo ah umulisada ka hawl gashay ayaa noo sheegtay “Markii ay dhakhtaradu waadhka u soo gudbisay bukaankan ayaanu waxaanu u bilawnay daawooyin iyada oo ku sugnay xaalad aad u halis ah, oo khatar ay ugu jirtay nafteedu, daawayn iyo taakulayn dheer ka dib waanu ku guulaysannay” ayay tidhi Leyla Cali Deeq iigu waramaysay gudaha cusbitaalka Manhal.

 

Hooyada ilmahani dhashay oo lagu magcaabo Canab Axmed oo ah 30 jir waxay hore u dhashay laba caruur ah, waxayna ku nooshay Ramaso oo u dhow magaalada Hargeisa, odaygeedu iminka wuxuu ku maqan yahay miyi maray shabakadda Manhalhospital.org cusbitaalka hooyada ku soo booqatay ayay u sheegtay inay xaaladdeedu iminka tahay 100% ayna aad u wanaagsan tahay.

 

Maaha markii ugu horraysay ee kiisas noocan oo kale ahi ka dhacaan cusbitaalka Manhal bilo ka hor ayay ahayd markii ay ku dhasheen saddex mataano ah oo caafimaad qab ku dhashay.

 

Cusbitaalkan Manhal oo ah cusbitaal samafal waxaa maalgelisay hay’adda wadaniga ah ee Manhal Charitable Organization, waxaana xadhiga laga jaray 4/5/2006 isaga oo markii hore lagu furay qaybta indhaha oo keli ah, waxaa muddadii uu furnaa cusbitaalku qalliin loogu sameeyey dad ka badan 3000 oo qof iyada oo ay soo booqdeen bukaan socod dhaafaya 55,000 oo qof. Waxay ahayd 13/5/2007 markii lagu kordhiyey qaybta daryeelka hooyada iyo dhallaanka, oo ka kooba soddon sariirood, sidoo kale waxaa iminka lagu kordhiyey qaybaha kala ah Cudurada guud, Qalliinka kala Geddisan, Qaybta Ilkaha, iwm. Taas oo iminka ka dhigaysa cusbitaal guud.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this