Deeq A. Posted August 5, 2018 Qarax ismiidaamin ah ayaa Goordhow ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka Soomaaliya. Qaraxaan oo ahaa mid u cuslaa maqalkiisana laga maqlay Guud ahaan Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa ka dhacay Wadda Makka Al-Mukarama ee Muqdisho, Qaraxaan ayaa ahaa loo adeegsaday Gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay waxaana uu ka dhacay maqaayad la yiraahdo Somali Coffe oo ku taala Meel u dhow wadda Shaqaalaha oo katirsan Wadda Makka Al-Mukarama ee Muqdisho. Goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa aheyd goob aad u mashquulsan badan. Qaraxa oo Goordhow dhacay Faah Faahin intaa ka badan lagama heli karo . Faah Faahinta dib kala soco Insha allah Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post DEG DEG: Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites