Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaafiic lagu garaacay saldhigyada ciidamada AMISOM iyo Kuwa DFS ee  Balcad

Recommended Posts

Deeq A.   

Balacad (Caasimadda Online) – Xoogaga Al Shabaab ayaa markale weerar hubeysan ku qaaday mid kamida degmooyinka shabeelaha dhexe ee gacanta ciidamada shisheeye kujira.

Weerar loo adeegsaday madaafiic ayaa markale lagu qaaday saldhigyo melleteri oo kuyaal degmada Balcad oo qiyaastii 30 Km ujirta magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

Xoogaga Al Shabaab ayaa saaka aroortii hore tira hoobiyaal ah ku duqeeyay laba saldhig oo ciidamada AMISOM iyo Ciidamada dowladda Federaalka ay uga suganyihiin gudaha degmada Balcad.

Goob Joogayaal ayaa sheegay in ay maqlayeen jugta qaraxyo ka dhashay madaafiic  lagu garaacay dhismaha warshaddii dharka oo ay deganyihiin ciidamada dowladda Federaalka, sidoo kale madaafiic ayaa lala helay saldhigga ciidamada AMISOM.

Jimcihii lasoo dhaafay ayay aheyd markii sidaan oo kale weerar madaafiic ah loogu qaaday saldhigyo melleteri waxaana la rumeysanyahay in madaafiicdaas ay waxyeello ugeysteen ciidamada huwanta ah ee la weeraray.

War lagasii daayay idaacadda Andalus ee Afka Xarakada Al Shabaab ku hadasha ayaa lagu yiri “Madaafiicda oo ku dhacay gudaha labadaasi fariiisin ayaa sababay khasaara nafeet iyo mid hantiyadeed oo soo gaartay kufaarta iyo Murtadiinta,waxaana sidoo kale soo wajahday cabsi xoogan iyagoona xalay oo dhan rasaas laga maqlayay gudaha xeryahaasi”,

illaa iyo hadda lama oga khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay weerarada madaafiicda ah ee lagu qaaday saldhigyada kuyaal degmada Balcad.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this