Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo war kasoo saartay dagaalyahano Maanta looga dilay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online)– Al-Shabaab ayaa waxa ay ka hadleen weerar maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan gaar ahaan meel ku dhaw Sarta Seeybiyaano ee degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Xarakada Warkan kasoo baxay ayaa lagu Sheegay in weerar ay ku qaadeen Ciidamada Dowaladda gaar ahaan kuwa Koofiya Casta ay kaga dileen Shan askari, ayna ku dhaacaween Sedex kale.

Shabaab ayaa dhankooda qirtay in laga dilay Labo dagaalame oo iyaga ka tirsanaa.
Weerarkan oo maanta Muqdisho ka dhacay ayaa waxaa ku geeriyooday isugeeyn Afar ruux oo labo kamid Shabaab yihiin halka askari ciidamada Dowladda kamid ahna uu geeriyooday, qof rayid ahna rasaasta ayaa haleeshay oo wuu dhintay isna, sidoo kale tiro kale oo dada ayaa dhawaacyo kasoo gaareen.

Waa markii ugu horeysay oo shabaab ay qirtaan dagaalyahano looga dilay Muqdisho waxaana markii hore looga bartay inay ka aamusaan.

Al-Shabaan ayaa Muqdisho ka fuliyo weeraro iyo dilal qorsheysan oo lala eegto xarumaha ugu muhiimsan Dowladda iyo Hoteelada ay madaxda dagan yihiin.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this