Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog ku saabsan dad ay ka mid yihiin mas’uuliyiin oo loo xiray qaraxii Buuhoodle

Recommended Posts

Deeq A.   

Buuhoodle (Caasimadda Online) – Ciidamada amaanka magaalada Buuhoodle, ee xarunta gobolka Cayn ayaa xabsiga dhigay ugu yaraan 10 qof, oo mas’uuliyiin ay ku jiraan kuwaasoo looga shakiyay inay ku lug leeyihiin qaraxii dhawaan magaalada ka dhacay.

Gudoomiyaha degmada Cabdifitaax Cali, oo kamid ah gudi loo xil-saarey baaritaanka qaraxii Ismiidaaminta ee 1-dii bishan ka dhacay xilli habeen ah magaalada, ayaa xaqiijiyay xariga 10-ka qof, isagoo carabka ku dhuftay inay kamid yihiin mas’uuliyiin.

Cabdifitaax ayaa intaasi ku daray in dadka lasoo qabtey ay ku socoto baaritaan, islamarkaana ay ciidamada amniga su’aallo ku waydiinayaan saldhigga degmada, isagoo intaasi ku daray in cidii dembi lagu helaa ay maxkamad soo taagi doonaan.

Qaraxii Ismiidaaminta ee Buuhoodle, oo aan wali cidna sheegan ayaa waxaa lagu dilay saddex qof oo labo kamid ah ahaayeen mas’uuliyiin, oo kamid ahaa wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Khaatumo iyo siyaasi la-taliye usoo noqday Cumar Cabdirashiid.

Waxaa fuliyay qaraxa nin isku soo xiray walxaha qarxa kaasoo bartilmaameedsaday gaari nooca raaxada ah oo ay la socdeen labada mas’uul, xilli habeen ah oo la sheegay inay kasoo baxeen masjid kuna sii jeedeen hoygooda.

Weerarkan ayaa ahaa midkii ugu horeeyay oo noociisa ah oo ka dhaca Buuhoodle taariikhda inta la xasuusto, waxaana qaraxyada noocan ah ee ka dhaca dalka looga bartay Kooxda Al-Shabaab, ee xiriirka la leh Al-Qaacida.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this