Sign in to follow this  
Deeq A.

Xil. Cosoble oo weerar toosa ku qaaday Xukuumada Somalia kadib hal arrin oo uu sheegay in lagu fashilmay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble oo ka mid ah mudanayaasha BFS ayaa shaaca ka qaaday in Xukuumada Somalia ay ka gaabisay dadaalkii lagu doonaayay in lagu soo afmeero Al-Shabaab.

Xildhibaan Cosoble waxa uu sheegay in Xukuumada Ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre ay aad u yartahay waxa ay qabatay waxa uuna tilmaamay inay ka gaabisay la dagaalanka Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayuu sheegay inay awood kusii yeelanayaan Somalia, taasina ay ugu wacan tahay Xukuumada Somalia oo aan si wanaagsan u qaban howlaha loo igmaday, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu tilmaamay in Al-Shabaab ay magaalada Muqdisho ka geystaan Qaraxyo iyo dilal toosa waxa uuna cadeeyay in dhammaan falalka noocaasi ah ay halis ku yihiin jiritaanka Somalia.

“Xukuumada Somalia waxaan dhihi karnaa wey ku fashilintay dagaalka lagula jiro Shabaab, waa inay noo keentaa xal kale oo ka duwan arrintaan”

Cosoble, waxa uu sheegay in dhibaatooyinka ka jira deegaanada Maamulka Hir-Shabeelle ay masuul ka tahay dowladda Somalia,isla markaana weli go’aansan in Al-Shabaab laga saaro deegaanada Maamulkaas.

Nuqul kamid ah haddalka Xildhibaan Cosoble ayaa ahaa “Dhibka maanta naheysto waxaa ka mas’uul ah xukuumadda Nabad iyo Nolol isku tilmaantay,deeganada hir-shabeelle in Shabaab laga saaro dowladda awood uma weynin hubkii ugu badnaa oo dowlad soomaaliyeed lasiiyo ayaa soo gaaray dowladda hadda jirta”

“Dowladu wey ka jiiftaa dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, haddii aan Al-Shabaab laga saarin Somalia waxa ay ka dhigan tahay Somalia nabad kama jirto”

Si kastaba ha ahaate, hadalka Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble ayaa kusoo beegmaaya xili dhinacyada mucaaradka ay xukuumada Somalia ku dhaliilan waxqabasho la’aan iyaga oo doonaayo inay hantaan kursiga.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this