Sign in to follow this  
Deeq A.

Ayman Al-Zawahiri oo soo diray farriin xasaasi ah oo ku saabsan dalka Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Mu’asasada As-Saxaab oo ah garabka warbaahineed ee Ururka Al-Qaacida ayaa baahisay hadal  la daawan karo muddo 32 daqiiqo ah oo uu sheekh Aymen Al Dawaahiri kaga hadlayo taariikhda dagaalka  soo jireenka ee illaa hadda ka taagan bariga qaaradda Africa.

Hadalkaan oo qeyb ka ah taxanaha  loogu magac daray Al-Rabiic Al-Islaami ama “Gu’ga Islaamiga” oo uu inta badan kaga hadlo muhiimadda midnimada Muslimiinta, taariikhda iyo xaaladaha ay ku sugan yihiin Ururuda hoos tago Al-Qaacidda.

IMG_64B034-E39D19-5EC40A-B2C566-A92FC2-9

Qeybtaan  wuxuu Dawaarihi  kaga hadlay Loolana ka socda Qaaradda Africa ee leh taariikh siraac oo soo jireen ahaa tan iyo soo bixitaankii islaamka.

Xalqadan waxaa cinwaan looga dhigay “Bariga Afrika Dhufeyska Koonfureed Islaamka”.

Sheekh Aymen Al Dawaahiri ayaa bogaaday dagaalka ay Shabaab kula jiraan Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Dawaarihi ayaa Al-Shabaab ku amaanay inay Geeska Africa difaac u yihiin isla markaasna ay tahay in lala garab galo sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu dadka ku nool Geeska Africa ugu baaqay inay dhammaantood kamid noqdaan Ururka Al-Shabaab oo qaraxyo iyo dilal ka geysto gudaha Soomaaliya iyo wadamada qaar ee dariska la ah.

Hadalkaaan ayaa kusoo aadayo xilli ururka Al-Shabaab ay cadaadis xoog leh la kulmayeen sanadihii dambe, wuxuuna caadiska isugu jiray mid dhaqaale iyo mid khilaaf oo dhexdooda ka dilaacay.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this