Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog cusub oo kasoo baxeysa sababta ka danbeysay in Warqada xariga loo jaro Wasiir ku-xigeenka W.A.D (Akhriso)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa weerar ay maanta ciidamada CID DFS ku qaaden Xarunta Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliya, kaasi oo looga gol lahaa in lagu xiro Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliya.

Wasiir ku-xigeenka ayaa la sheegay ciidamadan inay ugu tageen xafiiskiisa isaga oo joga, kadibna ay tuseen warqad waaran maxkamadeed ah oo ay wateen, balse uu diiday inuu raaco.

Ciidamada Booliska ayaa si xoog ah Wasiir ku-xigeenka ku soo kaxeeyay, kadibna waxa ay soo saareen gaariga ciidamada Booliska, balse ciidamada Amisom iyo kuwa ilaaliya xarunta Wasaaradda arimaha dibadda ayaa is hor istaagay in Wasiirka gaariga lagu qaaday albaabka uu ka baxo.

Sida aan wararkeena ku sheegnay Taliyaha Booliska Somaliya Bashiir Ameeriko, ayaa lagu wargeliyay arrintaan, waxaana la filayaa in taliyaha uu la wareego gabi ahaan kiiska Wasiir Ku-xigeenka maadaama buuqa uu ahaa mid ay dhaliyeen ciidamada Booliska.

Xogtu waxa ay tibaaxeysaa in xariga Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda arrimaha dibadda Muqtaar Mahad Daa’uud uu ka danbeeyay kadib markii lagu eedeeyay inuu ka danbeeyay jabsasho lagu sameeyay Xafiiska Wasiirka Waasarada iyo inuu musuqay lacago xoogan oo kusoo dhici jiray Wasaarada.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda ayaa loo heystaa inuu lahaa fekerka lagu jabsaday Xafiiska Wasiirka sida aan xogta ku helnay kaa oo lagala baxay Dukumiintiyo, halka kiiska labaad uu yahay in lacago kusoo dhaca Wasaarada uu isdabamariyay.

Sidoo kale, Taliyaha Booliska ayaa lagu wadaa in Wasiir ku-xigeenka uu ku wareejin doono Maxkamada si aanu u dhicin iska hor imaad kadhasha gacan ku dhigistiisa.

Dhinaca kale, dadka qaar ayaa arrin khaldan ku tilmaamay in Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda uu diido warqada lagu doonaayay in lagu xiro ee kaga imaaday Maxkamada.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this