Sign in to follow this  
Deeq A.

Siyaasi CC Shakuur oo si dadban u aflagadeeyey Madaxweyne Farmaajo

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online)- Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa si la yaab leh u sifeeyey dowladda uu madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo isaga oo ku tilmaamay ‘Jinni’.

Qoraal uu labadii bishan Agoosto soo dhigay bartiisa falcelinadda badan dhalisa ee Facebook ayuu ku yiri: “Waxaan u mahadcelinyaa Wasiir Abdi Aynte oo aan xalay marti ugu ahaa Magaalada Ammaan ee dalka Jordan. Wasiirka waxaan is lafa gurnay xaalada siyaasadeed ee uu dalku marayo, gaar ahaan dhacdooyinkii ugu danbeeyey. Waxaan kaloo si wayn uga hadalnay mustaqbalka, inagoo qiimayn ku samaynay wixii dhacay, waxaan kula kaftamay “Jini Ninkii keenaa bixiya”

Waxaa qoraalka la socday sawir uu kula jiro Cabdiraxmaan Cayte oo ahaa safiirkii London u fadhiyey Soomaaliya waxaana la magacaabay markii ay dowladda hadda jirtay talada la wareegtay.

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo badanaa fallanqeeya talaabooyinka dowladda ayaa inta ku soo bandhigga Facebook waxa ayna dhalisaa dodo is khilaafsan.

Muxuu ula jeeday hadalka ‘Jinni Ninkii Keenaa Baxiya!”

Hadalkaas waxa uu ahaa mid sarbeeb ah oo uu ku durayey Xisbiga Daljir Cabdiraxmaan Cayte ka mid yahay mas’uulintooda ugu sarreysa.

Hadalka waxa uu u dhacayaa “Daljir ayaa Farmaajo keentay ee iyaga ha ridaan!”

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this