Sign in to follow this  
Deeq A.

Faarax Macallin oo sheegay cidda la dambeysa dilalka qorsheysan ee ka dhaca Muqdisho -Ma aha Shabaab!

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online)- Siyaasiga caanka ah ee reer Kenya Faarax Macallin Dawaar ayaa si kulul ugu weraray Imaaraadka Carabta boggiisa Twitter-ka isaga oo sheegay in ay ka dambeeyaan dilalka ka dhaca caasimadda Soomaaliya.

Faarax Macallin waxa uu Twitter-kiisa rasmiga ah ku cabiray aragtida gurracan ee Imaaraadka ku doonayaan in ay kula wareegaan dhammaan Dekedaha muhiimka ah ee Geeska Africa.

Macallin oo hore u soo noqday gudomiye ku xigeenkii hore ee barlamaanka Kenya ayaa sidoo kale caddeeyey in ay Imaaraadka maalgaliyaan Al Shabaab horena u maalgalin jireen ururkii Al Ittihaad.

HOOS KA AQRI QORAALKIISA

“Wadanka yare ee loogu yeero UAE waxa uu moodaa in ay maamuli karaan Geeska Africa oo dhan. Waxa ay moodaan in amaahashada dhammaan Dekedaha Somalia, Djibouti iyo Eritrea in ay meesha uga saari karaan loolan lala galo Dubai. Waxa ay ahaayen kuwii maalgalin galin jiray Al Ittihad markii hore hadana Alshabaab. Waa kuw Muqdisho dadka ku khaarajiya.”

Imaaraadka waxa ay hore Dekedo uga kirreysteen Eritrea iyo Djibouti oo ay markii dambe isku dheceen.

Somaliland iyo Puntland oo ka maamule ka mid ah Soomaaliya ayey Saldhig Militari iyo Dekedo kula wareegeen qaab maalgashi ah iyaga oo soo maraya shirkadda DP World, taas waxa ay xumeysay xiriirkii kala dhexeeyey dowladda Soomaaliya oo ku eedeysay in ay ku xad gudubtay madax banaanidda dalka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this