Sign in to follow this  
Deeq A.

“Dal carbeed oo ku lug leh dilalka qorsheysan ee ka dhaca magaalada Xamar”

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Dilalka qorsheysan ee mar-walba ka dhaca magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa la sheegay inaysan ka dambeyn kooxda Al-Shabaab oo kaliya, balse ay jiraan dalal shisheeye oo ku lug leh.

Afhayeen ku-xigeekii hore ee baarlamanka dalka Kenya Faarax Macallin ayaa qoraal xasaasi ah oo uu soo dhigay twitter shaaca uga qaaday in Imaaraadka Carabta ay yihiin gacan ku dhiigleyaasha dilalka qorsheysan ka fulinaya magaalada Muqdisho, oo boqolaal Soomaali ah lagu dilay bilihii dhowaa.

A tiny Principality called UAE thinks it can control the whole of the HOA. They think by leasing all the Somalia , Djibouti &Eritrean ports they can eliminate potential competition to Dubai. They were the principle sponsors of Al Ittihad &AlShabaab then and now. Assassins in Mog.

— Farah Maalim (@FarahMaalimM) August 3, 2018

“Imaaraadka Carabta waxa taageeri jireen oo ay illaa iyo hadda taageeraan kooxaha Al-Itixaad iyo Al-Shabaab. Haddana waa dilayaasha magaalada Muqdisho” ayuu Faarax ku yiri qoraalkan culus ee uu soo dhigay Twitter.

Waa markii ugu horreysay ee mas’uul sare uu shaaca ka qaado in qaar ka mid ah dalalka shisheeye ay ku lug leeyihiin dilalka qorsheysan ee ka dhacaya magaalada Muqdisho, inkasta oo aan la ogeyn danta Imaaraadka ka leeyahay dilalka dadka Muqdisho.

Si kastaba, qaar ka mid ah dadka Muqdisho lagu dilay ayaa ahaa dad maqam sare lahaa, inkasta oo aysan qaarkood ka tirsaneyn dowladda.

Soomaali badan ayaa rumeysan in dil kasta oo ka dhaca Muqdisho aysan kaliya Al-Shabaab ka dambeyn, islamarkaana dilalka ka dhaca magaalada qaarkood ay ku lug leeyihiin arrimo qabiil, ganacsi iyo dad dano kale oo aan la ogeyn ay ka dhaxeeyaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this