Dalmar1 Posted August 3, 2018 Wax badan ka Ogow sirta ka dambeysa in Khayre Garowe kaga adkaado Gaas iyo sidii loo dhameeyay Khilaafkii jiray Muddo laba maalin ah ayaa waxaa taagnaa muran ku aadan in Shirka Golaha Wasiirada lagu qabto Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland. Safarka Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ee Garoowe ayaa muhiimadiisa koowaad waxay aheyd inuu ka qeybgalo xafladda loogu dabaaldagayo sanadguuradii 20-aad ee kasoo wareegtay markii la aasaasay Maamulka puntland. Ra’isulwasaare Kheyre ayaa sidoo kale waxaa jadwalkiisa ku jiray inuu dhagax dhigo Dekad la doonayo in laga sameeyo deegaanka Garacad balse waxaa la sheegay inuu xilli dambe go’aansaday inuu ka baaqdo kadib markii uu cadaadis siyaasadeed arrintaas kala kulmay. Khilaafka ayaa gaaray meel sare ilaa heer ay isamada Puntland iyo Gaas isku raaceyn inaan shirka Golaha Wasiirada lagu qaban Magaalada Garoowe. Ra’isulwasaare Kheyre ayaa garab weyn ka helay Isimada Gobolka Nugaal sida Islaan Ciise Islaan Maxamed iyo Suldaan Saciid Garaase kuwaas oo u dhaartay Cabdiweli Gaas. Sidoo kale waxaa si isku imid ah arintaas uga hor imaaday Xalay Dhamaan Isimada, Nabadoonada iyo Waxgaradka Gobolka Nugaal oo Gaas u sheegay inuusan Xasan Kheire Magalada Garowe ka sheegan karin Somali Wayn. Madaxweynaha Puntland ayaa loolan adag kala kulmay Wasiirka Arrimaha Debadda Soomaaliya Cawad, Wasiir Xuseen Ciid iyo Xildhibaan Cali Yusuf Cali Xoosh kuwaas oo ka shaqeeyey qorshayaal lagu fashiliyey go’aankii Kheyre ee ahaa inuusan dhicin Shirka Golaha Wasiirada Sidoo kale Xildhibaano iyo Wasiiro Kasoo Jeeda Gobolka Nugaal oo Ka tirsan Maamul Goboleedka Puntland Ayaa Iyaguna Sheegay iney is Casilayaan haddii Shirka Golaha Wasiiradda aan lagu qaban Magaalada Garoowe. Madaxda Reer Nugaaleed ama ha u shaqeeyeen Federaal ama Puntland iygaoo Kaashanaya Islaan Ciise iyo Suldaan Garaase ayaa Xalay Waxay Galeyn Shir, waxayna Gaas u sheegeen in Garoowe tahay Magaalo Soomaaliyeed, cid laga sheegan karana aysan Jirin, haddii magaalooyin la kala Sheeganayana Gaas uu aadayo Gaalkacyo. Ugu Danbayn Shirka Golaha Wasiiradda ayaa ka qabsoomay Xarunta Wasaradda Maaliyadda DPL , sidoo kalana waxaa socdo Shir Wadajir ah oo ay yeelanayaan Golayaasha Wasiirada Soomaaliya iyo Puntland . Quote Share this post Link to post Share on other sites
Dalmar1 Posted August 3, 2018 Apparently Somaliweyne is a no-no in Puntland, smh! One (any Somali Nationalist) really wonders if Puntland really is part of Somalia or just a low-key secessionist state with an hidden agenda. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted August 3, 2018 The pirates want kayga lihi kaga kula lihi. They want a special status with in Somalia The pirate constitution States that puntland is an independent state untill la wafaajiyo dastuurka federaaliga dastuurka budhlayn Quote Share this post Link to post Share on other sites
Samafal Posted August 3, 2018 Labo qof oo xanuunsan oo isku jiibinya Quote Share this post Link to post Share on other sites
Holac Posted August 4, 2018 Samafal, are you saying there was no conflict and nothing happened when Kheyre was visiting Garowe? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Tallaabo Posted August 4, 2018 6 hours ago, Holac said: Samafal, are you saying there was no conflict and nothing happened when Kheyre was visiting Garowe? Samafal is saying: Quote Share this post Link to post Share on other sites