Dalmar1

Khilaafka PM Kheire iyo Puntland oo meel xun gaarey oo isamada Puntland iyo Gaas isku raaceyn inaan shirka Golaha Wasiirada lagu qaban Garoowe.

Recommended Posts

Dalmar1   

Wax badan ka Ogow sirta ka dambeysa in Khayre Garowe kaga adkaado Gaas iyo sidii loo dhameeyay Khilaafkii jiray

 

Muddo laba maalin ah ayaa waxaa taagnaa muran ku aadan in Shirka Golaha Wasiirada lagu qabto Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland.

 

Safarka Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ee Garoowe ayaa muhiimadiisa koowaad waxay aheyd inuu ka qeybgalo xafladda loogu dabaaldagayo sanadguuradii 20-aad ee kasoo wareegtay markii la aasaasay Maamulka puntland.

 

Ra’isulwasaare Kheyre ayaa sidoo kale waxaa jadwalkiisa ku jiray inuu dhagax dhigo Dekad la doonayo in laga sameeyo deegaanka Garacad balse waxaa la sheegay inuu xilli dambe go’aansaday inuu ka baaqdo kadib markii uu cadaadis siyaasadeed arrintaas kala kulmay.

Khilaafka ayaa gaaray meel sare ilaa heer ay isamada Puntland iyo Gaas isku raaceyn inaan shirka Golaha Wasiirada lagu qaban Magaalada Garoowe.

Ra’isulwasaare Kheyre ayaa garab weyn ka helay Isimada Gobolka Nugaal sida Islaan Ciise Islaan Maxamed iyo Suldaan Saciid Garaase kuwaas oo u dhaartay Cabdiweli Gaas.

Sidoo kale waxaa si isku imid ah arintaas uga hor imaaday Xalay Dhamaan Isimada, Nabadoonada iyo Waxgaradka Gobolka Nugaal oo Gaas u sheegay inuusan Xasan Kheire Magalada Garowe ka sheegan karin Somali Wayn.

Madaxweynaha Puntland ayaa loolan adag kala kulmay  Wasiirka Arrimaha Debadda Soomaaliya Cawad, Wasiir  Xuseen Ciid iyo Xildhibaan Cali Yusuf Cali Xoosh  kuwaas oo ka shaqeeyey qorshayaal lagu  fashiliyey go’aankii Kheyre ee ahaa inuusan dhicin Shirka Golaha Wasiirada

Sidoo kale Xildhibaano iyo Wasiiro Kasoo Jeeda Gobolka Nugaal oo Ka tirsan Maamul Goboleedka Puntland Ayaa Iyaguna Sheegay iney is Casilayaan  haddii Shirka Golaha Wasiiradda aan lagu qaban Magaalada Garoowe.

Madaxda Reer Nugaaleed ama ha u shaqeeyeen  Federaal ama Puntland  iygaoo Kaashanaya Islaan Ciise iyo Suldaan Garaase ayaa Xalay Waxay Galeyn Shir, waxayna Gaas u sheegeen in Garoowe tahay Magaalo Soomaaliyeed, cid laga sheegan karana aysan Jirin, haddii magaalooyin la kala Sheeganayana  Gaas uu aadayo Gaalkacyo.

Ugu Danbayn Shirka Golaha Wasiiradda ayaa ka qabsoomay  Xarunta Wasaradda Maaliyadda DPL , sidoo kalana waxaa socdo Shir  Wadajir ah oo ay yeelanayaan Golayaasha Wasiirada Soomaaliya iyo Puntland .

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dalmar1   

Apparently Somaliweyne is a no-no in Puntland, smh!

One (any Somali Nationalist) really wonders if Puntland really is part of Somalia or just a low-key secessionist state with an hidden agenda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

The pirates  want  kayga lihi kaga kula lihi.

They want a special status with in Somalia 

The pirate  constitution States that puntland is an independent state untill la wafaajiyo dastuurka federaaliga dastuurka budhlayn

Share this post


Link to post
Share on other sites
Holac   

Samafal, are you saying there was no conflict and nothing happened when Kheyre was visiting Garowe?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tallaabo   
6 hours ago, Holac said:

Samafal, are you saying there was no conflict and nothing happened when Kheyre was visiting Garowe?

Samafal is saying:

faknews.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.