Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka iyo Shabaab oo warar is khilaafsan kasoo saaray weerar ka dhacay duleedka Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Mareykanka ayaa sheegaya inuu weerar diyaarado loo adeegsaday ka fuliyay Saldhig ay ku sugnaayen xubno ka tirsanaa Al Shabaab, kuwaasi oo ku sugnaa meel 74-KM Waqooyi Galbeed ka xigta magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Weerarka ayaa lala bartilmaameedsaday hogaamiyeyaal, iyo Saraakiil sare oo Al-shabaab ka tirsan laakiin lama sheegin magaca shaqsiyaadka la weeraray.

Mareykanka ayaa waxa uu sheegay weerarkan dhacay 2-dii bishan in uu ku dilay Afar nin oo ka tirsanaa Al Shabaab, islamarkaana aanay jirin khasaare dadka rayidka ah ka soo gaaray duqeyntan.

Ururka Al Shabaab oo duqeyntan uga hadlay baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayaa waxa ay ku sheegeen duqeyntan Afarta qof ee lagu dilay inay ahaayeen dad shacab ah.

Waa duqyantii 15-aad ee Maraykanku sannadkan ka gaystaan gudaha Soomaaliya taasi oo bartilmaameeedsatay xoogag ka tirsan Ururka Al Shabaab.

Mareykanka ayaa taageera siiyo ciidamada midowga Afrika ee Soomaaliya ku sugan.

Mareykanka ayaa horay u sheegay in ay ka go’an tahay dagaalka kooxaha ka dagaalama Soomaaliya sida kooxda Daacish iyo Ururka Al Shabaab ee ku sugan meelo ka mid ah dalka, kuwaasi oo dagaal kula jira dowladda federaalka.

1.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this