Deeq A. Posted August 3, 2018 Jabuuti (Caasimada Online) – Dowladda Jabuuti ayaa ku gacansayrtay go’aan ay shalay soo saartay Maxkamadda Caalamiga ah ee Dhexdhexaadinta ee fadhigeedu yahay magaalada London. Go’aankaas oo ay maxkamaddu ku sheegtay inay khalad aheyd in dowladda Jabuuti ay maamulka iyo gacan ku haynta dekadda Dooraleh ay kala wareegto Shirkadda Dekadaha ee DP World. Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in Maxkamadda aanay u yeerin oo dhinacooda aanay dhageysan sidaas daraadeedna aanay khusaynba go’aanka ay soo saartay. Gudoomiyaha maamulka dekadaha iyo goobaha ka caaggan canshuuraha Abuu Bakar Haadi ayaa sheegay in horey ay shirkadda ugu heshiiyeen in heshiiska ay ka baxaan islamarkana qarashaadkii ka galay loo celiyo. Gudoomiyaha aya intaa ku daray in shirkadda DP World aysan xoog ku haysan karin dekadaha dalka Jabuuti. Dowladda Jabuuti ayaa 22 bishan waxay meesha ka saartay heshiiskii ay la gashay shirkadda DP World. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com Quote Share this post Link to post Share on other sites