Sign in to follow this  
Deeq A.

“Al-Shabab Hargeysa ayey degan yihiin, Laascaanood ayayna qabsan doonaan”

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweyne kuxigeenka Puntland Cabdixakiin Xaaji Cumar Cameey ayaa ka hadlay qarixii ka dhacay degmada Buuhoodle ee gobolka Togdheer kaasoo lagu dilay rag mas’uuliyiin ahaa.

Cameey ayaa Maamulka Somaliland ku eedeeyay qaraxaas in iyaga ka dambeeyeen isagoo sidoo kale sheegay in maamulka Somaliland ay dabada ka wadaan kooxda Al-Shabaab.

Waxa uu sheegay in Al-Shabaab ay magaalada Hargeysa kusuganyihiin isla markaana halkaasi ay ku leeyihiin masaajido iyo xarumo kale, waxana uu dowladda federaalka ku dhaliilay inaysan marnaba arrintaasi si cad oo xaqiiqo ah aysan uga hadlin.

Madaxweyne kuxigeenka maamulka Puntland ayaa sheegay in sababta loo dilay Cabdifitaax oo kamid ahaa mas’uuliyiintii lagu dilay qarixii Buuhoodle ay tahay inay jiraan warar sheegaya in Cabdifitaax la diray isla markaana uu doonayay inuu laascaanood weeraro ama qarxiyo isagoo afcad ku sheegay in maamulka Puntland ay ka go’antahay inay qabsadaan magaalada Laascaanood.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this