Sign in to follow this  
Deeq A.

R/W Kheyre oo ka hadlay dil naxdin leh oo maanta ka dhacay MUQDISHO

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia lagu khaarijiyay Madixii Shirkadda Startup Grind oo dilkiisa ka dhacay inta u dhaxeysa Banaadir iyo Digfeer.

Dilka oo ahaa mid ku dhacay qaab qorsheysnaa ayaa waxaa si carol eh dilalka kusii kordhaaya magaalada Muqdisho uga hadlay Ra’isul wasaaraha xukuumada Somalia Xasan Cali kheyre.

Ra’isul wasaare Xasan Kheyre oo weli ku sugan Magalada Garoowe, ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay dilalka sii kordhaaya ee kadhaca magaalada Muqdisho iyo guud ahaan Gobolada dalka.

Waxa uu sheegay in dilka maanta kadhacay magaalada Muqdisho ee loo geystay Madixii Shirkadda Startup Grind iyo Saraakiil ka tirsan ciidamada dowlada oo kadhacay duleedka iyo gudaha Muqdisho.

Nuqul kamid ah haddalka Kheyre ayaa ahaa “Ilaahay ha u naxariisto wiilkii dhallinyarada ahaa ee Maanta lagu dilay magaalada Muqdisho.Haddii maalin walba qof qiimo leh la innaga dilo oo aan u aragno wax caadi ah waxaa dhammaanaya ubixii dalka”

PM.png

Ra’isul wasaare Kheyre oo ay ka muuqatay caro uu ka qaaday dilalka sii kordhaaya ayaa shacabka Somaliyeed iyo Laamaha amniga ugu baaqay inay ka wada shaqeeyaan sida loo badbaadin lahaa ubaxa iyo Mustaqbalka Ummada Soomaaliyeed.

Si kastaba ha ahaatee, Madixii Shirkadda Startup Grind Maxamed Maxamuud Sheekh Cali, ayaa la sheegay inuu ahaa wiil dhalinyaro lahaa mustaqbal fog, waxaana la cadeeyay inuu dhalay Taliyaha Ciidanka cirka Somalia S/Guuto Maxamuud Sh Cali Dable Pilot.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this