Sign in to follow this  
Deeq A.

“Somaliland ayaa fulisay qaraxii xalay ka dhacay Buuhoodle” Daawo Indho-sheel

Recommended Posts

Deeq A.   
Waxaaa xalay magaalada Buuhoodle qarax ismiidaamin ah lagu dilay masuuliyiin uu ka mid ahaa Aqoonyahan Cabdifataax Maxamed Cali oo 29 June, 2018 wafti uu hogaaminayo oo ka yimid Muqdisho ay soo gaareen magaalada Buuhoodle islamarkaana sida la sheegay maalmo ka hor ka tagey magaalada Garoowe.
Marxuum Cabdifataax ayaa hadal uu jeediyay bilo ka hor 29 June,2018 ku sheegay qorshaha ay u tageen Buuhoodle inuu la xiriiro siday ugu baraarujin lahaayeen bulshada Gobolladda Sool iyo Cayn inay kaalintooda ka qaataan dagaalka Puntland ay kula jirto maamulka Somaliland.
 
Dilka marxuumkan oo dhaliyay shaki xoogan oo ku saabsan cidda ka dambeysay waxaa geystey qof ismiidaamiyay xilli uu kusoo tukadey salaaddii cishe masaajid ku yaala magaallada Buuhoodle.
 
Hogaamiyihii horre ee Khaatumo Maxamed Yuusuf Indho-sheel oo hadda Garoowe ku sugan ayaa ku eedeyay maamulka Somaliland inuu ka dambeeyay falkii xalay lagu dilay masuuliyiin uu sheegay Hormuud inay u ahaayeen Halgan looga saarayo Somaliland gobolka Sool, wuxuuna sheegay sababta loo beegsadey inay tahay mab,da iyo dadaaladda ay ugu jireen qadiyaddaan.
 
Indhosheel ayaa intaas ku darey inay hayaan cadaymo la xiriira qorshe Somaliland laga soo abaabulay oo lagu doonayay in lagu dilo isaga iyo masuuliyiin kale oo uu ka mid yahay marxuumkii lagu dilay qaraxii ugu horeeyay oo xalay ka dhacay Buuhoodle.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST

The post “Somaliland ayaa fulisay qaraxii xalay ka dhacay Buuhoodle” Daawo Indho-sheel appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this