Sign in to follow this  
Deeq A.

Saraakiil Al-Shabaab ah oo lagu qabtay Afgooye xilli madaxweyne FARMAAJO…

Recommended Posts

Deeq A.   

Afgooye (Caasimadda Online) – Wararka laga helayo Gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in howlgal ay ciidamada dowladda ka sameeyeen degmada Afgooye iyo tuullooyin hoos yimaada ay ku soo qabtaan xubno ka tirsan Alshabaab oo ay ka mid yihiin nin qaraxyada u sameeya iyo sarkaal qaabilsan qorista caruurrta ku biireysa Alshabaab.

Howgalka Ciidamada Xoogga ka sameeyen Deeganno hoos taga degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa imaanaya iyadoo ay Afgooye gaareen ciidamada madaxtooyada Soomaaliya oo hordhac u ah madaxweynaha Soomaaliya oo la sheegay inu tegi doono halkaasi.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka ayaa sheegay in howolgal dhacay Saaka waabarigii hore ay kusoo qabteen Dagaalamayaal katirsan Al-Shabaab oo gaaraya 32 dagaalame oo ay ku jiraan Saraakiil sare oo Shabaabka ka tirsan.

Saraakiisha lasoo qabtay waxaa ka mida nin Magaciisa lagu sheegay Cumar Dheere oo Al-shabaab u qori jiray Caruurta u dagaalanta. Cumar dheere ayaa saraakiisha Amaanka u sheegay in 300 oo Dhalinyaro ah uu sanadkan qoray Al-shabaab. Sidoo kale waxaa lasoo qabtay Madaxii Qaraxyada oo Magaciisa lagu soo gaabshay Iidoow.

Howlgalada ciidamada Milateriga ka wadaan degmada Afgooye iyo deegaanada hoos yimaada ayaa la sheegay inuu horudhac u yahay sugida amniga degmadaas oo lagu wado inuu booqdo Madaxweyne Farmaajo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this