Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukun lagu riday madaxda ISIS ee Somalia iyo xogta noloshooda oo yaab leh

Recommended Posts

Deeq A.   

Mogadishu ( Caasimadda Online) – Dhowr fadhi ayay soo martay heerarka maxkamadeynta labadan horjooge ee ka tirsanaa maleeshiyada Daacish kuwooda dhibka ka wado Soomaaliya.

Mahad Maxa’ud Cabdi Abuu-Yaasiin oo ah eedeysanaha 1-aad ayaa loo heystaa in uu ku mashquulsanaa aas-aasidda koox daacish ah kuwaasi oo ka howl-geli lahaa Koonfurta Soomaaliya, waxa uu xilligaas khilaaf kala dhexeeyay ninka ugu sareeyo daacish kuwooda jooga Soomaaliya ee Cabduqaadir Muumin.

Maxamed Daa’uud Daahir Warsame ( Dr raage) ayaa loo heystay in uu ahaa Horjoogaha Caafimaadka, waxa uu sidoo kale ahaa u qaabilsanihii xagga soo uruurinta lacagaha ay dibadda ka helaan, waxaa si gaar ah eeddiisa loogu muujiyay sida uu ugu gamban jiray ka ganacsiga Daawooyinka ee markiisii hore ka bilowday Suuqa Bakaaraha.

Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur (Shuute) oo ah guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa u akhriyey warbaahinta xukunka ay ka soo saareen labada horjooge ee ka tirsanaa maleeshiyada Daacish.

Dood dheer ka dib,Maxkamada Ciidamada Qalabka sida markii ay aragtay dambi muujinta iyo cadeymaha la horkeenay waxay eedeysanayaasha kala ah Mahad Maxa’ud Cabdi Abuu-Yaasiin iyo Maxamed Daa’uud Daahir Warsame ( Dr raage) ku xukuntay mid 15-sano oo xabsi ciidan ah,waxayna Maxkamaddu intaasi raacisay in ciddii ku qanacsaneyn xukunka u furan tahay racfaan.

Eedeysanaha 1-aad ee la xukumay ayaa isaga heysta dhallasha Ruushka, magaca Abuu-Yaasiin waa wiil ay u dhashay gabar Church Nia, waxa uu sidoo kale qeyb ka mid ah noloshiisa ku soo qaatay waddanka Syria, halka Dr Raage uu ahaa madaxa caafimaadka, waxa uu sidoo kale qeyb kamid ah noloshiisa ku soo qaatay Dalka Koonfur Afrika iyo ka mid ahaanshiyaha lleeshiyada Al-Shabaab

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this