Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Caasimadda Online oo ogaatay cidda loola dan lahaa qaraxii BUUHOODLE

Recommended Posts

Deeq A.   

Buuhoodle (Caasimada Online) – Shabakadda Caasimadda Online ayaa baaritaan dheer ku sameysay ciddii loola dan lahaa qaraxii xoogaanaa ee Xalay ka dhacay Magaalada Buuhoodle.

Qaraxaan ayaa la doonayey in lagu dilo Cabdifataax Axmed Cali (Cabdifataax Reegal) oo ahaa Sarkaal sare oo ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab.

Sarkaalkaan ayaa Shabaab kasoo goostay isagoo ku biiray Xisbigii burburay ee Xisbul Islaam oo uu hoggaamin jiray Xasan Daahir Aweys oo hadda ku jiro xabsi guri ay gelisay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Cabdifataax ayaa xisbigaas kadib  la shaqeyn jiray Cumar Cabdirashiid oo dalka mar kasoo noqday Ra’isul wasaare sidoo kalana isku soo taagay xilka Madaxweynimo ee Soomaaliya inkastoo markii dambe laga guuleystay.

Sidoo kale Cabdifitaax ayaa markii dambe la shaqeenayey sirdoonka Soomaaliya waxaana muddo badan dabagal ku hayey Xarakada Al-Shabaab.

Kooxda AL-Shabaab ayaa ugu dambeyn ku guuleystay inay dilaan Cabdifataax kadib markii loo soo diray nin naftii halige ah oo Xalay isku qarxiyey Cabdifaraax iyo dad kale oo ku sugnaa Buuhoodle, wuxuuna qaraxaas keenay inuu dhinto ninkii ay Al-Shabaab muddo badan raadinayey.

Qaraxaan ayaa sidoo kale waxaa lagu dilay Axmed Maxamuud Doolaal oo ahaa wasiirkii amniga Khaatumo.

Sidoo kale waxaa ku dhaawacmay ilaa seddex qof oo hadda la jiifiyey Isbitaal kuwaas oo lasoo sheegayo inay ku jiraan xaalad fiican oo aan qatar aheyn.

Caasimada Online
Xafiiska Buuhoodle
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this