Sign in to follow this  
Deeq A.

Garoowe: Shirka wadajirka ah ee wasiirada Puntland iyo DF oo furmay + Sawiro

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland goor dhoweyd ka furmay shir wadajir ah oo ay leeyihiin golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya iyo Golaha Wasiirada maamulka Puntland.

Shirka oo uu guddoominayo Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre, waxaa ku sugan madaxweynaha Puntland Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas iyo ku xigeenkiisa C/xakiim Camey, waxaana ka qeyb galaya xubnaha golaha wasiirada ee xukuumadda federaalka iyo kuwa Puntland.

Ajendaha shirka ayaan la shaacin waxaana lagu wadaa in looga hadlo arrimo badan oo ay ugu horeeyaan xiriirka labada dhinac, waxaana lagu wadaa inay shir jaraa’id qabtaan gabagabada shirka kadib.

Khilaaf soo kala dhex galay Ra’iisal wasaare Kheyre iyo madaxweynaha Puntland ayaa hareeyay shirkan iyo xaflad lagu xusi lahaa sanadguurada 20aad ee Puntland, taasoo markii danbe si hoose heshiis looga gaaray.

golaha-wasiirada6777.jpg golaha-wasiirada555.jpg golaha-wasiirada32.jpg garlaha-wasiirada.jpg golaha-wasiirada.jpg Shirka-Garowe.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this