Sign in to follow this  
Deeq A.

CC Shakuur: Jabuuti waxaa dhabarka looga wareemay magacii qaranka Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur, oo ka mid ah mucaaradka Soomaaliya ayaa dhaliilay go’aankii dowladda Soomaaliya ay ku dalbatay in xayiraadda hubka laga qaado dalka Eritrea oo haysta dhul ka mid ah dalka Jabuuti.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook ayuu Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku sheegay in “magacii qaranka Soomaaliyeed dhabarka looga wareenay” Jabuuti oo ay Soomaaliya walaalo yihiin.

Hoos ka aqriso qoraalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur:

Wuxuu muwaadin kasta oo Soomaali ah filayey in Madaxweyne Farmaajo uu la tashi kala sameeyey Dawlada Jabuuti go’aankii ku aadanaa in Eritrea laga qaado cunuqabayta. Ilaa iyo hada sharaxaad lagama bixin sababta ka danbaysa booqashada degdega ah ee Eritrea iyo codsi jeedinta la xariirta cunaqabatayn qaadista.

Waan ka xunahay in walaalaheen Jabuuti oo naf iyo maal huris badan u sameeyey dhismaha nabada iyo dawladnimada Soomaaliya magacii qaranka Soomaaliyeed dhabarka looga wareeno.

Horay ayaan u sheegay in Gobolka uu loolan geopolitics ku soo socda, loona baahan yahay hoggaan feejigan oo maarayn kara danaha is diidan ee awoodaha Gobolka iyo kuwa dawliga ah ee ku loolamaya Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this