Sign in to follow this  
Deeq A.

Liiska dilalkii qorsheysnaa ee magaalada Muqdisho ka dhacay July + Magacyada

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasaiamada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia waxaa bishii July, 2018 ka dhacay dilal qorsheysan oo aad u badan kuwaa oo lala eeganaayay shaqaale dowladeed, Askar iyo dad rayid ah.

Dilalka July ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxaa loo geystay dad xiliga la dilaayay intooda badan ku guda jiray shaqo maalmeedkooda.

Dilalka ugu badan ayaa ka dhacay Degmooyinka Hodan, Dharkiinley, Waaberi iyo Howlwadaag kuwaa oo ay fuliyeen maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab.

Bishii July ayaa lagu tilmaami karaa bisha ugu dhibaatada badneyd oo sanadkaani soo marta Muqdisho waxaana dadka la dilay ay gaarayan ilaa 31 ruux.

HOOS KA AKHRISO DILKII MUQDISHO KA DHACAY BISHII  JULY 2018

1- July 01 2018, Waxaa Degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir lagu gowracay Ganacsade magaciisa lagu sheegay Xuseen Cali Cumar oo ka mid ahaa ganacsatada Suuqa weyn ee xoolaha ee isla Degmada.

2-July 2, 2018, Askari ka tirsan ciidamada Xasilinta ee DFS ayaa Wiil dhalinyaro Mooto Bajaajle ah ku dilay degmada Hodan gaar ahaan Barkontorool oo ku yaala halka loo yaqaano sarta Seybiyaano kaa oo lagu magacaabi jiray Shuceyb.

3-July 2, 2018,Ciidamo ka tirsan Dowlada ayaa Isgooska Siinaay ee magaalada Muqdisho ku dilay Mooto bajaajle ay ka shakiyeen.

4-Jul y3, 2018, Koox ku hubeysnaa bastoolado ayaa Gudaha  Suuqa Weyn ee Bakaaraha degmada Howl-Wadaag ee Gobolkaan Banaadir ku dilay wiil dhalinyaro ah, kaa oo suuqa ku iibinaayay kabo.

5- July 6, 2018, Rag ku hubeysnaa Bastoolado ayaa  waxa qeybo ka mid ah degmada Dayniile ee gobolkan Banaadir ku dileen Oday dhaqameed ka mid ahaa Ergadii soo dooratay Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Deerow Dhaqane Maxamed.

6- July 8, 2018, Kooxo ku hubeysnaa bastoolado ayaa Isgooska Debka ee magaalada Muqdisho ku dilay nin asal ahaan kasoo jeeday dalka Yemen oo halkaa ku lahaa Dukaan lagu iibin jiray alaabaha Hidaha iyo dhaqanka.

7- July 9, 2018, Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa askari kamid ah ciidamada Xasilnta ku toogtay xaafada Suuq Bacaad ee Degmada Yaaqshiid.

8- July 9, 2018, Askari ka tirsan ciidamada dowlada gaar ahaan kuwa Minishiibiyada ayaa lagu dilay Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir, waxaana dilkiisa ka danbeeyay maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab.

9-July 10, 2018, Nin lagu magacaabo Cabdi Cali, ayaa Degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir, gaar ahaan Waaxda Xaawo Taako ku dilay wiil la dhashay oo kala dhexeeyay muran hantiyadeed.

10- July 9, 2018, Waxaa isgooska maanaboolyo lagu dilay wiil dhalinyaro ah oo dilkiisa uu ku saleysnaa muran kala dhexeeyay gacan ku dhiiglaha.

11- July 12, 2018,  Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa Degmada Dharkiinley ee Gobolka Banaadir, gaar ahaan meel aan ka fogeyn xarunta Macalin Nuur ee degmadaas ku dilay Haweeney la sheegay inay ganacsato aheyd.

12- July 16, 2018, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, gaar ahaan Waaxda Jamhuuriyada aagga Masjidka Turkiga ku dileen askari ka tirsanaa Guutada 2-aad ee ciidanka xoogga dalka, kaasi oo lagu magacaabi jiray Salaad Maxamuud Cumar.

13- July 18, 2018, Ciidanka dowlada gaar ahaan kuwa Nabadsugida ayaa degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir gaar ahaan Waaxda Wajeer ku dilay qof shacab ah kaa oo waday gaari iska roge ah kadib markii uu dhexda u galay kolonyo ka tirsan ciidamada NISA.

14- July 18, 2018, Kooxo ku hubeysnaa bustoolado ayaa agagaarka baar ha i dhaafin oo kala qeybisa Degmooyinka Xamar Jajab iyo Waaberi ee Gobolka Banaadir ku dilay Askari ka tirsan Ciidanka dowladda oo ka howlgalaayay baarkoontarool oo ku taala baar ha idhaafin.

15-July 19, 2018, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa xaafada Shaaciye ee degmada Heliwaa gobolka Banaadir ku dilay sarkaal ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka oo lagu magacaabi jiray Xasan Cartan Siyaad.

16- July 21, 2018, Maleeshiyaad hubaysab ayaa suuqa Khudaarta ee Bakaaraha, gaar ahaan dhanka xigta Degmada Hodan ku dilay wiil dhalinyaro ahaa oo dadka ay ku sheegeen inuu ahaa baalashle/caseeye.

17-Jul 22, 2018, Askari ka tirsan dowlada Somalia ayaa degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ku dilay Darawal gaadiid BL kadib markii uu diiday Seddex kun oo sh/Soomaali ah.

18-Jul 22, 2018, Maleeshiyo hubeysnaa ayaa Xaafada suuq Bacaad ee degmada Yaaqshiid ku dilay askari ka tirsanaa Ciidamada Booliska Soomaaliya,iyaga oo dilka ka dib goobta ka baxsaday.

19-Jul 22, 2018, Macalin dhiga Dugsi Quraan ayaa xaafada Xamar Jadiid ee degmada Wartanabada ku dilay mid ka mid ah ardayda Dugsigiisa oo Gabar yar aheyd.

20-Jul 23, 2018, Askari ka tirsanaa ciidamada Dowlada ayaa Xaafada Macmacaanka ee degmada Dharkenley Gobolkan Banaadir ku dilay nin Mooto bajaajle ahaa oo uu muran dhexmaray taas oo keentay in askriga uu dhowr xabadood ku dhufto Darawalka mooto Bajaajka.

21-Jul 23, 2018, Maleeshiyaad ku hubeynaa  bastoolado ayaa Degmada Dharkiinley ku dilay Askari ka tirsan ciidamada Dowlada gaar ahaan kuwa Militeriga.

22- July 24 2018, Kooxo ku hubeysnaa bastoolado ayaa toogasho ku dilay Sarkaal ka tirsanaa ciidamada NISA oo lagu magacaabi jiray Ismaaciil Ciriiri, Waxa uuna mar soo noqday Taliye ku-xigeenka NISA Degmada Waabari ee Gobolka Banaadir.

23-July 26 2018, Maleeshiyaad ku hubeysna bastoolado ayaa Askari ka tirsanaa ciidamada dowladda ku dilay xaafada Barmuudo xili uu ku guda jiray howl maalmeedkiisa.

24-July 26 2018, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa Waxda Shooriyada degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir ku dilay 72 sano jir kamid ahaa ergadii xildhibaanada ku soo dooratay magaalada Baydhabo.

25-July 26 2018, Askari ka tirsan Minishiibiyada dowlada ayaa lagu dilay Degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir, gaar ahaan meel aan sidaa uga sii fogeyn xarunta Degmada.

26-July 26 2018, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa Isgooska Suuqa Bakaaraha ku toogtay askari ka tirsanaa ciidamada Nabadsugida waxa uuna dilkiisa dhacay xili uu halkaa ka raaci lahaa mooto bajaaj.

27-July 26 2018, Askari ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa degmada Waaberi ee G/Banaadir gaar ahaan agagaarka Suuqa Beerta ku dilay Wariye ka tirsanaa TV-ga SBS oo lagu magacaabi jiray C/risaaq Qaasim Iimaan.

28-July 26 2018, Askari ka tirsan Ciidanka Booliska Somaliya ayaa agagaarka Suuqa Beerta ee degmada Waaberi waxa uu si bareer ah ugu toogtay wiil dhalinyaro ah oo ku shaqeysanayay Mootada loo yaqaano Bajaajta.

29-Jul 29, 2018, Kooxo ku hubeysnaa bastoolado ayaa Suuqa Bakaaraha waxa ay ku dileen laba xidigle ka tirsanaa Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Laba Xidigle Maxamed Axmed Maalin ayaa ka tirsanaa Saldhiga degmada Hodan.

30-Jul 30, 2018, Kooxo ku hubeysnaa bastoolado ayaa Xaafada Kaawa Godey ee gobalka Banaadir ku dilay ruux la sheegay inuu kamid ahaa dadka deegaanka isla markaana shacab ahaa.

31- July 31, 2018, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa Isgoyska Sanca ee Magaalada Muqdisho ku dilay Askari ka tirsanaa Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo xilliga la dilaayay ku sugnaa goob Maqaaxi oo Shaaha laga cabo, waxaana lagu magacaabi jiray Cabdi Muuse.

Dilalka dhacay bishii July 2018 ayaa noqonaaya dilal badankiisa loo geystay dad u shaqeeya dowlada Somalia, iyadoo aanu jirin wax hadal ama dareena ay ka muujisay dowlada Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this