Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: R/W Kheyre & Faroole oo markii ugu horeysay isku arkay GAROOWE (Maxay kawada hadleen)

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha XFS Xasan Cali Khayre oo ku sugan magaalada Garoowe ayaa booqasho aan sidaa loosii shaacin ku tagay Hooyga uu magaaladaasi ka degan yahay Senator C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole.

Ra’isul wasaare Xasan Kheyre ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay hooyga Faroole waxa ayna labada mas’uul halkaa ku yeesheen kulan muddo qaatay.

Ra’isul wasaare Kheyre iyo Sanator Faroole ayaa waxa ay kulankooda uga wada hadleen arrimo badan oo ay ka mid yihiin adkeynta dowladnimada, arrimaha doorashooyinka ee maamul goboleedyada iyo dadejinta wada hadalka Somaliland.

Sanator C/raxmaan Faroole oo la hadlay saxaafada kulanka kadib ayuu yiri “Ra’iisul wasaaraha ayaa gurigeyga igu soo booqday, waxaan ka wada hadalnay arrimo badan oo ay ugu horeyso dib u heshiisiinta dalka, waxaan isla soo qaadnay wada hadalka Somaliland sidii loo dadejin lahaa”

“Waxaan rajeyneynaa in Ra’iisul wasaaraha uu ka dhabeyn doono dhammaan arrimahaasi ee aan sida gaarka ah uga wadahadalnay anagu waxaanu dooneynaa in dowladnimadu gaarto heer wanaagsan”

Sidoo kale, Senator C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole oo mar soo ahaa Hoggaamiyaha maamulka Puntland ayaa carab ***** in rajadiisu ay tahay mid wanaagsan isla markaana uu Ra’isul wasaaraha dhaqan galin doono miraha kasoo baxay wadahadalkooda.

Khayre ayaa booqasho todobaad qaadatay iminka ku jooga magaalada Garowe, halkaasi oo maanta oo la qorsheynayo inuu ka dhaco shirka Golaha Wasiirada Soomaaliya.

 

HOOS KA DAAWO SAWIRADA KULANKA 

Kheyre-iyo-Faroole-1.jpg Kheyre-iyo-Faroole-2.jpg Kheyre-iyo-Faroole-3.jpeg Kheyre-iyo-Faroole-4.jpg Kheyre-iyo-Faroole-5.jpeg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this