Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax lagu dilay siyaasiyiin caan ka ah Khaatumo oo ka dhacay Buuhoodle

Recommended Posts

Deeq A.   

Buuhoodle (Caasimada Online) – Qarax xooggan oo ay ku dhinteen saraakiil sare iyo siyaasiyiin caan ka ah deegaanada Khaatumo ayaa goordhow ka dhacay magaalada Buuhoodle ee gobolka Togdheer, sida ay sheegayaan goobjoogeyaal.

Wuxuu qaraxa lala eegtay gaadhi horyaalay masaajid, waxaana qaraxan ku geeriyooday dhowr qof iyadoo dhaawac uu ka dhashay.

Xogta aan heleyno ayaa sheegeysa in dadka dhintay ay ka mid yihiin: Axmed Maxamuud Doolaal, wasiirkii hore ee amniga Khatumo, Cabdifatax Maxamed Cali Reegal – Madaxii maaliyadda ee ururka Xisbul Islam – haddana ahaa guddoomiyhii jaaliyadda Khaatumo ee Muqdisho.

Sidoo kale waxaa jira saraakiil kale oo dhaawac ah, sida Cabdifataax Maxamed Cali (Ina Root-man), Dhegcas Cismaan Baxnaan.

Waxaa la sheegayaa in iminka ay rasaas ka socoto Buuhoodle. Faahfaahin naga filo dhowaan Insha Allah

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this